Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Al-Shabaab Oo Ka Dhabeeyey Hal Ku Dhagoodi Ahaa "Ama Shabaab, Ama Shacab, Ama Shariif "

Tuesday - October 13, 2009

Mogadisho- Warar hubaal ah oo ka imanaaya dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay u qaybiyeen warqado digniin ah 15-ka xubnood ee ugu sareeya ururka Xisbil Islaam.

Waraaqahan digniinta ah oo loo geeyey 15-ka xubnood ayaa waxa ku qornaa in ragaas ay si deg deg ah iska bixiyaan wixii dayn ah ee lagu leeyahay una dardaarmaan Ubadkooda iyo ehelkooda. Waxa kale oo warqadahaas ku qornaa in ragaas uu wakhtigoodii dhamaaday, Malakul-Mowdkiina uu hortaaganyahay.... Dhamaan xubnahaas ayaa ka guuray guryihii ay ka daganaayeen xaafado ka mid ah Muqdisho waxayna dageen goobo ciidan oo ay dagan yihiin maleeshiyaadka Xisbul Islaam.

Shiikh Cumar iimaan oo argagaxsan ayaa ka mid ah ragga ka guuray gurigiisii oo ay hadda ilaalo ka yihiin maleeshiyaad ay Jifo hoose yihiin,kadib markii la arkay maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo ku gaaf wareegaya gurigiisa.

Lama xaqiijin ilaa iyo iminka in magacyadaas uu ku jiro Xasan Daahir Aweys, waxayse u badan tahay in uu ka mid yahay maadaama Cumar iimaan oo hada howl-gab ah uu ku jiro xubnaha digniinta la soo gaarsiiyey... Shiikh Xasan Aweys oo ahaan jiray maroodigi lixaadka lagu ogaa , mahdiga islaamka sheegtay ayaa maanta ka cabsi qaba in bakeyluhu liqo oo waayey ciid wax tarta iyo meelu galo,waxaana warku xusaya inu daadinayo habaar lagu rogmo sun ah oo u ku gamayo cadawgiisa Mulacyada Al- Shabaab. 

Muranka iyo Khilaafka u dhexeeya labada Urur oo gar-cadaawe iyo mid maslaxo ku kala bixiwaayey xasuuqa dadkana ku caan baxay ayaa colaadoodu mareysa halkii ugu saraysay, saameeyeyna ku yeelatay meelo badan oo ay kala joogaan taageerayaashooda ciidan

Sida xantiisa ay ku soo gaareyso shabakadaan waxay leeyihiin Shiikha gaboogiisa iyo daal awgiis ayaa nugleeyey kana abaarsaday xusuusti badneyd ee u lahaa... Waxaa run noqotay maahmaahda oraneysa " Talo Qori Saaran Iyo tumaati Sokeeye Tagoogo jabay baa Laga Hela"