Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Soomaalida Mareykanka Oo Ka Walaacsan Baritaanada Ay FBI-du Ka Wado Mareykanka Iyo Kanada

Monday - October 12, 2009

Muslimiin badan oo ku nool maraykanka ayaa ka cabsi qaba in lagu daro baadi goobka ay FBI-da maraykanku ku baadi goobayso kooxa ay ku sheegtay in ay yihiin argagixiso oo ku sugan maraykanka.

Waxaana Muslimiintaasi kuwa ugu cabsi qabka badan ay yihiin soomalida Maraykanka degen, oo waayadii dambe ay lasoo daristay tuhun ah in ay jiraan kooxa argagixisa ah oo jooga dalka maraykanka ,kuwaas oo wiilasha soomaalida maraykanka ah ee Masaajidada ku cibaadaysta u qaadaya soomaaliya.

Masaajido badan oo ku yaal Maraykanka ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay kooxo u shaqeeya FBI-da Maraykanka , oo baadi goobayo dad ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa caruurta Soomaali Maraykanka ah u qaadaya Soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaalada kasocda soomaaliya.

Magaalada MINNEAPOLIS ayaa ah magaalda ugu weyn ee ay Soomaalida degen Maraykanka ay ugu badan yihiin ayaa waxaa horay looga qaaday dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaas oo qaar kood lagu dilay Soomaaliya,iyadoona dhamaan dhalinyaradii katagay magaaladaasi ay ahaayeen dhalinyaro kuwada tukan jiray hal masaajid.

Waxaana hada FBI-da maraykanku baaritaano xoog leh ku wadaan dadka soomaalida ah ee gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada MINNEAPOLIS iyadoona ay masaajidada ku yaala gobolkaasi ay il gaar ah ku hayaan FBI-du iyagoo baadi goobaya maskaxda ka dambaysa u qaaditaanka dhalinyarada soomaalida ah wadanka soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaalada ka socda Soomaaliya.

Dhalinyarada ka tagay maraykanka waxaa ay ka qayb galeen dagaalada ka socda soomaaliya iyagoo ka bar bar dagaalmay dagaalyahanada Alshabab.

Waalidiinta dhalinyaradaasi horay u aaday soomaaliya , qaar kamid ahna lagu laayay dagaalada ka socda soomaaliya ayaa dowlada maraykanka ka codsaday in wax laga qabto dadka ka dambeeya kaxaynta dhalinyaradaas ee ku sugan Maraykanka.

Madaxweynaha soomaaliya oo asbuucii la soo dhaafay booqasho ku marayay gobolo badan oo ka tirsan maraykanka ayaa isaguna dhiniciisa ka codsaday Dowlada Maraykanka iyo soomaalida degen maraykanka in layska kaa shado sidii wax looga qaban lahaa dhalinyaradaasi fikrada khaldan laga dhaadhicinayo ee ku qul qulayo Soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaalo loogu sheegay in ay yihiin Jihaad.