Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Somaali Samaanta Garaneyn Qaarado Kale Laga Hagayo Oo Maleegeysa Iney Qarax Ka Geeysato South Africa

Sunday - October 11, 2009

Bulshada Soomaalida degan dalka South Africa ayaa la soo gudboonaatay kurbo khalkhal amaan-daro kadib markii Wargeysyada todobaadlaha ee ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ay maanta boga hore ku soo shaaciyeen warbixin ay kaga hadlayaan sababihii keeney in la xiro danaha Maraykanka uu ku leeyahay South Africa, wuxuu wargeyska sheegey in taleefoon laga dirrey tuulada Khalitsha ee Cape Town oo la dhagaystey laguna ogaaday in la maleegayo qaraxyo lala eegto ciyaaraha 2010 iyo gaar ahaan danaha Maraykanka.

Wargeysyada  oo soo xiganaya illo sirdoonka dalka ah sida NIA (National Intelligence Agency) ayaa sheegey in taleefoon laga dirrey tuulada Khalitsha oo loo dirrey koox argagixiso lala xaririnayo oo Soomaaliya joogtaa ... Wicitaankana lagu sheegey in ay fududahay in la qarxiyo danaha Mareykan Ee South Africa oo la sheegey in amaankeedu uusan adkeyn marka loo eego wadamada kale.

Waxay warbixintu sheegtey in qaraxyadaasi lala eeganayo sanada 2010-ka marka la qabanayo ciyaaraha kubbada cagta ee aduunka goortaas oo uu dalka imanaya madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Warbixinta oo maanta boga hore lagusoo wada xardhey wargeysyada saameynta badan ee todobaadlayaasha ee dalka ka soo baxa (Sunday Tribune, Sunday Independent iyo Weekend Argus) ayaa lagu sheegey in koox Soomaali ah ay unug argagixiso ka sameeyeen dalka Musambique kaasoo ay tahay in laga soo raro halkaasi si ay halkan qaraxyo uga geystaan.

Tani ayaa la sheegey in ay kaliftey in la xiro safaaradaha Maraykanka muddo 3 maalmood ah (23, 24 iyo 25 Septemper 2009).

Taliyaha Police-ka dalkani Beki Cele ayaa qaranka kala hadlay taleefishinka maalintii safaaradaha la xiray sheegeyna in ay xaalada gacantooda ku jirto, aysan jirina wax khatar ah, kadib waxaa la sheegey in dadkii taleefoonka dirrey ay tureen kaarkii iyo macal taleefoonkii si aanan raadkooda loo helin. Wuxuu xaqiijiyey in South Africa aysan bartilmaameed ahayn.

Sheekada la dhagaystey waxaa sidoo kale lagu sheegey in South Africa aysan lafteeda bartilmaameed ahayn, haddii muwaadiniinta dalkana ay ku dhibaatoobaan isweeydaarsiga tacshiirada ay taasi tahay nasiib darro.

Afayeenka hey’ada sirdoonka Lorna Deniels ayaa diidey in uu ka hadlo arrinta, kuna hanjabay talaabo sharci ah haddii saxaafada ay faafiso arrimahani maadaamaa ay wax u dhimayaan baaritaanada socda.