Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Fadilat Al- Digtoor Sh. Shuceyb Oo Baraarujintiisa Sharax ka Bixinaya Daawooyinka Kala Duwan Ee....

Thursday - October 8, 2009

Sidee Xeego Loo Xagtaa Ilkana ku Nabadgalaan, waxaan ku bilaabayaa baraarujinta Jimcahan Magaca Allah iyo Saliga Suubanaha NNK ha ahaato, Sida aad la socotaan dawada kala duwan ee la koobi karin loona isticmaalo cudurada kala duwan tiro koobna weli lagusoo afjarin, maadaama markasta la arkayo kuwo cusub oo aan horay loo maqal ama loo arag. Guud ahaan cudurada waxa loo qeybshaa kuwo la isqaadsiiyo iyo kuwo aan la isqaadsiin, qeybta hore waxa u sabab noqon karta noocyo kala duwan oo lagu kala magcaabo Virus, Bacteria, Fungi, Protozoa and Metazoa iyo kuwo kaloo badan, mid kasta oo kuwaa ka mid ahna waxa uu usii kala baxaa dhowr qeybood oo kala duwan waxeyna keenaan cuduro kala duwan oo ku dhici kara dadka iyo xoolaha.
 
Qeybta labaad ee cudurada jira waxa ay u qeybsamaan kuwo lagu dhasho iyo kuwo qofka ku dhaca marka uu dunida kusoo biiro, waxa kaloo jira kuwo laga qaado goobaha shaqada iyo cimilada, ama kuwo aan weli la garan sababta keenta. Ulajeedada maqaalkan ma aha inaan kaga hadlo cudur gaar ah, laakiin waxaan door biday inaan ku baraarujiyo qofka daalacda bogga Galdogobtimes dawada kala duwan ee dadka ay isticmaalaan marka mid ka mid ah cudurada jira lagu ibtileeyo, in dawada qudhooda ay keeni karaan cudur cusub oo aan qofka horay u heyn, sidaa darteed loo baahan yahay in laga digtoonaado oo inta aan la bilaabin isticmaalkooda si wanaagsan in looga baaraan dego loo baahan yahay. Waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa dhowr tusaale oo ku saabsan mowducan aan ka hadlayo.
 
1)- Faduma waxey aheyd qof dumar ah oo da'deeda ay tahay 53 jir, caafimaadkeeda guud aad buu u wanaagsanaa marka laga reebo xanuun ka hayey jilibka bidix iyo murqaha ku hareereysan, baaris bay ugu tagtay Takhtar ku yaal magaalada Nairobi, kadib markuu eegay wuxuu u qoray dawo lagu magcaabo PREDNISOLONE, dawadaa markii ay qaadatay mudo ka badan sannad, waxey u kacday dal ka mid ah dalalka Yurub, markii ay joogtay wax ka yar saddex bilood, aad bay u xanuunsatay oo waxa kusoo booday qandho, qufac, markii la baaray oo la eegay sababta waxa laga helay Cudurka Qaaxada oo labada sambab digada ka dhiga, midaa waxa u dheeraa lafaha jirkeeda oo buunshoobay (Osteoporosis) si aad u ba'an. Waxa kaloo ay hunqaacday Dhiig markii ay beryo ku jirtay Isbitalkii la dhigay marki la baaray waxa la arkay in boog ay caloosha kaga taal midaa oo sababtay dhiiga faraha badan ee ay mantagtay, waxa kaloo ay u sheegtay Maryan takhaatiirta tan iyo intii ay qaadatay dawadaa (Prednisolone) in miisaanka jirkeeda aad u kordhay. Allah mahadii Maryan markii si wanaagsan loo daweeyay lagana joojiyay dawadii ay qaadan jirtay caafimaadkeeda aad buu usoo fiicnaaday saddex bilood kadibna waxa ay kasoo baxday isbitaalkii ay jiiftay.
 
2)- Jaamac waxa uu ahaa nin 45 jir ah oo caafimaad qaba, kadib markii uu isku arkay xanuun jilib ka hayay, wuxuu tegay Farmashiye oo uu ka gatay dawo la yiraah Diclofenac Sodium, dawadaa oo loo cuno xanuunada lafaha iyo jirka, gefka ugu horeeyay ee uu sameeyay, waxa uu ahaa isaga oo aan la tashan Takhtar inuu dawo gato oo iskii u cuno, midaa waxa u dheer inuu dawadaa si joogta ah u isticmaalay mudo dheer, habeen habeenada ka mid ah waxa uu lasoo kacay xanuun bogga ka haya sidii caadada u aheyd lama tashan takhtar ee waxa uu mar labaad ka iibsaday Farmashiye dawada loo qaato laabjeexa oo loo yaqaan Anti Acid, muduu sidaa ku jiray oo markasta bogga xanuuno waxa uu isticmaalay dawada Anti Acidka loo yaqaan, mana joojin midii uu u cunayay jilib xanuunka. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu dareemay wareer kusoo booday iyo lalabo fara badan, cabaar markii uu joogay wuxuu hunqaacay dhiig madow oo xad dhaaf ah, markiiba waxa loola cararay Isbitaalka qeybta gargaarka degdega, markii la baaray waxa la arkay in caloosha nabar kaga yaal, iyo (Hb) hemoglobinkiisa oo gaaray 5mg, midaa oo loo baahday in dhiig si deg deg ah loogu shubo.
 
Waxa markaa su'aal ah maxaan ka baranay labada dhacdo ee kor aan ku xusay kana fa'ideysanay?
 
A. In dawada la isticmaalo ay la mid tahay midi labo af leh oo labo dhinac wax u jarta, sidaa darteed loo baahan yahay isticmaalkeeda in laga taxadaro oo aqoon loo yeesho.
 
B. In dawo aan laga gadan Farmashiye hadii xanuun aad isku aragto adiga oo aan marka hore la tashan Takhtar aad ku kalsoontahay.
 
C. Hadii Takhtar dawo kuu qoro in aadan weligaa iska wadin ee wakhtigii iyo sidii takhtarka kugula taliyay aad u isticmaasho, hadii wax dhib ahna aad la kulanto si deg deg leh ugu sheegto takhtarkii kuu qoray ama mid kale oo aad ku kalsoon tahay.
 
D. Dawooyinka la isticmaalo kuwo badan oo ka mid ah ay leeyihiin waxyeelo dadabsan (Side Effects) aad u ba'an, sidaa darteed ay mudan tahay in taxadar dheeraad ah laga qaato.