Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Taalibaan Oo Haybadnimo Iyo Goodis Bilaabay Marki Gantaalo Waabaayo Leh Lagu Waabin- kariwaayey

Wednesday - October 7, 2009

Kapul: Ururka Taalibaan kadib markii lagu waabinwaayey Sawaariikh dhaadheer Iyo Gantaalo sun iyo waabaayo leh ay warbaxin ku soo bandhigeen bogcad ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay si hufan uga hadleen ujeedooyinka ururkooda.

Warbixintaas oo ay ku goodinayaan waxay ku sheegeen in ay u dagaalamayaan xoreynta dalkooda isla markaasina aanay cidna duulaan ku ahayn, waxaanay carabka ku adkeeyeen in ay weeraradooda sii wadi doonaan ilaa iyo inta dhulka Afghanistan uu joogo askari shisheeye.

Ururka Taliban ayaa awooda lagaga tuuray dagaal xoogan oo soconayay mudo 7 cisho ah kaasi oo bilaabmay October 7, 2001, kadib markii ay diideen in ay maraykanka u gacan geliyaan hogaanka sare ee Al-Qaida.

Warbixinta ayaa intaa raacisay in dhibaatooyinka NATO ku hayso dadka reer Afghanistan ay ka sii qaadayaan adadayg isla markaasina dadka reer Afghanistan diyaar u yihiin dagaal qaata mudo aan la garanayn, waxaana dhanka kale intaas raaciyeen in aanay qorshaha ugu jirin ururka Taliban waxyeelaynta wadamada caalamka iyo kuwa Europ toona.

Madaxweynaha dalka maraykanka Mr. Brack Obama ayaa sheegay in dawladiisu ay siinayso muhiimad gaar ah sidii loo burburin lahaa kooxaha xagjirka ah ee ka dhisan wadama Afghanistan iyo Pakistan waxaanu intaas ku daray in uu hada ku jiro qiimayn bal wixii laga yeeli lahaa in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Afghanistan, sida uu codsaday taliyaha gaashaan buurta NATO.

Warbixinta Talibanka ayaa ku soo beegantay xili ay ka digeen saraakiil reer galbeed ahi in hadii lagu guuldaraysto dagaalka ka dhanka ah ururka Taliban ay taasi ka dhigantahay in Talibanku dib u soo noqon doono isla markaasina ururka Al-Qaida uu heli doona goob uu mar kale ka soo qaado dagaalada uu kula jiro reer galbeedka.