Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Al-Qaacida Oo Soo Saartay Qaraxyo Aysan Qabankarin Aalada Wax Lagu Baaro

Sunday - October 4, 2009

Bam cusub oo ay Al-Qaacida soo saartey ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid si fudud ku qarxi kara isla markaana aanay qaban karin aaladaha looggu tala galay inay dhaqaaqa ama digniinta bixiyaan hadii ay dareemaan waxyaabaha hubka ama bambooyinka loo adeegsado qaraxyada, waxaana la sheegay bambooyinkaasi ay ku qarxaan signlada mobilada gaar ahaan in bamkaasi telefoon mobile ah oo ku xiran la waco ka dibna uu sidaasi ku qarxo.

Dhawaan ayaa nin ka mid ah xubnaha shabakada Al-Qaacida wuxuu bam caynkaasi ah la dhaafey xarumo lagu sameeyey baaritaan, ninkaasi oo doonayey in uu isku qarxiyo mid ka mid xubnaha qoyska boqortooyada Sacuudiga, laakiin isku daygii qaraxaasi uu fashilmay.

Bishii August ee aynu ka soo gudubney 28-keedii ayaa Abdallah Al-Asiri oo u dhashey wadanka Sacuudiga, isla markaana ka mid ahaa xubnaha sida aadka ah loo doonayo ee shabakada Al-Qaacida wuxuu naftiisa u biiyey in uu dilo Amiir Mohamed Bin Nayef oo madax u hawlgalada Sacuudiga ee la dagaalanka argagixisada, waxaan la yaab laheyd in ninkaasi uu dhaafey dhawr goobood oo baaritaan lagu sameeyey, oo ay ka mid yihiin garoomada diyaaradaha Najran iyo Jidah oo ka mid ah garoomada ugu amaank adag aduunka.

Al-Asiri ayaa markii uu dhaafay dhamaan goobihii Security-ga wuxuu raacay diyaaradaha gaarka ah ee Mohamed Bin Nayef, waxaana uu iska dhigay in uu isa soo dhiibayo, isla markaana ay jiraan tobonaan kale oo ka mid ahaa Al-Qaacida oo diyaar u ah inay isa soo dhiibaan, laakiin ujeedkiisu wuxuu ahaa in uu dilo Mohamed Bin Nayef oo hawsha uu wado ee la dagaalanka argagixisada ay keentey in uu qabqabto xubo badan oo ka mid ahaa kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida, halka ay jiraan ilaa iyo laba darsin oo kooxahaasi ka mid ah oo isa soo dhiibay oo xabsi lagu hayo iminka.

Asari wuxuu diyaaradiisa gaarka ah la raacay Amiir Nayef waxaana mudo 30 saacadood ah isagoo ay ku rakiban yihiin bambooyinka qarxa uu si dhaw ula joogay ilaalada aadka u hubaysan ee Amiir Nayef, waxaana ninkaasu uu sheegay in maadama lagu jiro bisha barkaysan ee Ramadaan in uu doonayo in uu u sheego amiirka inay jiraan maleeshiyaad ka mid ahaa kooxaha argagixisada inay isa soo dhiibaayan.

Amiir Nayef oo xiligaasi ku sugnaa gurigiisa ayaa Asiri wuxuu dhinac istaagey Amiirka waxaana uu wacay kooxo kale oo maleeshiyaad ah, isagoo u sheegay in uu dhinac taagan yahay Amiir Nayef, wuxuuna ugu baaqay xubnaha uu la hadlayey oo ka mid ahaa Al-Qaacida inay isa soo dhiibaan, ka dibna wuxuu telefoonkii u dhiibay Amiir Nayef, waxaana 14 ilbiriqsi qarxay bamkii, iyadoo laba cad u kala go’ay Abdalah Asiri oo ahaa ninkii bamku ku rakibnaa, balse amiirka ayaa la sheegay in uu ka badbaadey weerarkii lagu doonayey in lagu dilo.

Masuuliyada qaraxa waxaa sheegatey Al-Qaacida, waxaana sidoo kale ay ku hanjabeen xoogaga Al-Qaacida inay qaadi doonaan weeraro kale oo caynkaasi oo ah kuwa mucjiso ah.

Kooxaha ku xeesha dheer arimaha amaanka waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in qaraxaasi uu ku dhex jirey calool laga soo bixiyey xayawaan, ka dibna waxyaabo electoronic ah lagu rakibay, lugta bixid ee ninka is qarxiyey, waxana qaraxaasi la sheegay in culeyskiisu uu ahaa 100 gram oo laga sameeyey waxyaabaha loo yaqaan PETN plactic explosive.

Richard Barrett, oo qaramada midoobay u qaabilsan hawlaha Al-Qaacida iyo Taliban ayaa hadal uu ka sheegay machadka Washington Institute for Near East Policy, in inkastoo aanu dooney in uu noqdo qof qayliya hadana wuxuu sheegay in uu soo saarayo digniin, taasi oo ah in Al-Qaacida ay hada ku maqan tahay sidii u sameyn laheyd weeraro kale oo culus oo argagixiso.

Richard Barrett wuxuu xusey in inkastoo hada kooxaha argagixisada la laciifiyey ka dib markii si buuxda loo adeegsadey hawlaha sirdoonka, dilalka gaadmada ah iyo gaashaanbuuraysiga lala sameynayo dawladaha ay taasi keentey in Al-Qaacida ay yara wiiqanto.

Bishii September dawlada Mareykanka ayaa fashilisay weeraro qaraxyo oo ay Al-Qaacida ka geysan laheyd magaalada New York, waxaana la qabtey laba qof oo loo diyaariyey inay is qarxiyan, iyadoo qaraxyadaasi ay ahaayeen qaraxyo waa weyn oo loo adeegsan lahaa telefoonada mobile-da.

Scott Stewart, oo ah qabiir ku xeel dheer arimaha argagixisada isla markaana ka tirsan Stratfor, a global intelligence company, ayaa sheegay in baarayaasha garoomada ay yihiin kuwa aad ugu nugul da’ada ay jiraan iyo sida ay u diyaarsan yihiin.