Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 16 May 2024

Is Reeb-Reebkii Siyaaso Iyo Dagaal Oo Mogdisho ka Socda Iyo Ahlu-Suna Oo Digriyey Markay Shabaab....

Friday - January 16, 2009

Mogadisho- Sheekada la isla dhexmarayo ayaa tilmaameysa in Is reeb-reebkii Siyaasadeed iyo kii Dagaal ee ka socday mogadisho iyo gobolada ku xeeran ay galeen marxalad adag oo lagu kala hari-doono, waxaa markii u horaysay saxada ama Salaanka siyaasada ka siibtay Cali Geedi oo ahaa nin dhaqaale Uruursi badan..... waxaa ku xigay Oday maquuste Cabdillahi Yussuf oo sheegtay in uu Is-casilay, laakiin marka runta la sheego ah nin la-casilay oo xilkii laga xayuubiyey..... waxa ka baxay Muqdishu Ciidankii Ethiopia.....Waxa loo qaaday Muqdishu iyo Dadka Ehelka u ah Hees Murtiyeedka ah *Xaabaal iyo ninkeed loo kala teg*

Dhufaysyadii iyo Goobihii ay Ciidanka Ethiopia ka baxeen waxa ku soo guuray oo buux-dhaafiyey Maleeshiyaad sheegtay iney Maxkamadaha yihiin laakiinse runti ah qabiilo abaabulan oo shakadaha rasaasta isku wada-meegaaray.

Wasaaradii Gaashandhiga iyo dhismihi shiirkolihi saraakiisha qaranka waxaa taabsaday beesha Salemaan ee habargidir oo u horkacayo Axmed Diiriye oo la sheegay inu haraad badan u qabay hanashada wasaaradaas......sidoo kale warshadii baastada iyo xaarunti ciyaraha stadiumka waxaa qabsatay beesha Cayr oo Indha-cade madax ka yahay....... Beesha sacad oo iyadana cadkeedii ka heshay Km4 illa kontrolkii afgooye oo magac bolis ay ku haystaan....... Murursade waxuu qaatay Degmada Deyniile......Mudulood oo yaaban caadana iska ah iney victim noqdaan waxay ku meereysanayaan meelo aan istratiiji ahayn oo ka mid ah yaaqshiid iyo xaafada Sanca.

Goobaha la kala qabsanaayo waxaa laga waayey markii Hawiyenimadu shaqaysay xubnihii Al-shabaab ee isirkooda ka soo jeedeen Daarood, Isaaq, Raxnweyn oo ay kala hogaaminayeen  Shngole,Ahmed Godane iyo Abu-mansoor.

Hogaamiye ka tirsan Maxkamadaha oo la yiraahdo Sheekh Janaqow ayaa dhawaan hadalo kulul u mariyey warbaahinta xubnaha al-shabaab oo sheegay iney fiig ku yimadeen degaamadaan,waxuuna shiikhaas intaa ku daray iney goofkaan aysan u dhalan isaga baxaan.