Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Farisimihi Ciidamada Itoobiyaanka Ay ka fadhiyeen Mogdisho Oo Diyargarow Bixitaan U Xirxirtay

Saturday - January 3, 2009

Muqdisho- Sida waraku nagu soo gaarayo Ciidamada dawladda Itoobiya ee saldhigyo ku lahaa meelo ka mid ah Magaalo Muqdisho ayaa la galiyey hegaanki ay ku bixilahaayeen iyado inta badan ay kooraysteen baabuurtooda dagaalka, waxayna gaadiida ciidan saaranyahay oo aan yareyn ubaxeen dhanka ay xuduuda Itoobiya.

Warar laga xigtay saraakiil itoobiyaan ah ayaa sheegaya in ay ciidamada Itoobiya badankoodii ay ka baxeen Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyadoo saacadaha nagu soo aadan ka soo baxayaan dalkii ay galeen sannado ka hor, oo ay la dagaalamayeen ciidamadii Maxkamadihii qabsaday dalka badankiisa.

Hadaba sida qorsha u yahay Itoobiyaanka ayaa looga fadhiyey in marka ay baxaan ciidamadooda ay goobahaasi ku wareejiyaan ciidamo Soomaali iyo AMISOM iskugu jira, balse taasi ayaa u muuqata mid aan hirgaleyn hirgalin, waxaana taasi sabab looga dhigay ciidamada AMISOM oo diiday in ay howlgaladaasi qeyb ka noqdaan iyo waliba sidoo kale ciidamadii dawladda Faderaalka oo ay awoodoodu hoos udhacday todobaadkan, markaas oo ay soo shaac baxday siyaasado is diidan.