Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Waa Kan Baraarujiyihii Jimcaha Dr. Shuceyb Iyo Casharkisi Maanta " Socdaal Aan Soo Noqosho Lahayen"

Thursday - January 1, 2009

Qof kasta oo inaga mid ah inta uu ku nool yahay dunida waxaan shaki laheyn ugu yaraan mar ama wax ka badan inuu safar gelayo. Marka qof safar yahay waxa ku iman kara dhacdooyin, intooda badan laga hortegi karo ama laga tabaabusheysan karo. Dhacdooyinkaa, waxa inta badan ay u dhacaan taxadar iyo feejig la’aan ka timaada qofka safarka ah. Marmarka qaarkood, waxa ay keenaan geeri ama waxa ay sabab u noqdaan dhaawac halis ah oo qofka curyaamiya. Sidaa darteed, waxa mudan in la isxasuusiyo in qadar oo dhan Allah Weyne gacantiisa ku dambeyso, hase yeeshee, dadaal in lala yimaado waa lagama maarmaan. 

Arintan waxaad moodaa in qofka muslimka ah ee Allah rumeeyay, aaminsan wixii Rabbi qoray inaan la gefeyn ay culeys ku noqoto in ay ka daadegto, sidaa darteed, waxa mudan in la is xasuusiyo in Rabbi na faray dadaal qof walba laga doonayo inuu la yimaado markuu hawl u dhaqaaqo inuu fuliyo, waxa waajib ku ah qofkii damca safar, si wanaagsan inuu uga baaraandego sidii uu ugu tabaabusheysan lahaa hadii wax dhibaato ah soo foodsaarto inta uu socdaalka yahay.

Tusaale ahaan usoo qaado xadiiska laga soo wariyay Subanaha (SWCW), ee oranaya:

“Hadii tuulo Furuq ka koco, midka tuulada degan yuusan ka bixin, kii u socdayna yuusan gelin.” 

Halkan waxa ka cad, qof walba inkastoo wakhtigii loo qoray geeri uusan gefeyn, hadana lama baneyn inaad naftaada halaagto oo mixno aad u jeedo u horseedo.

Arintan Suubanaha (N.N.K. ha ahaato) uu timaamay 14 qarni ka hor, dhowaan Waxa xaqiijiyey aqoonyahanada casrigan ee ku xeel dheeraaday aqoonta caafimaadka, waxa ay cadeyneysaa sida loogu baahan yahay in lala yimaado dadaal  mar walba oo aad howl u dhaqaaqdo taladana Allah aad saarato.