Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Cabdulaahi Sidi Laga Filaayey Waa Is-Casilay Wax Badanse Gadaashiis Lama Saadaalinkaro Sababo Awgeed

Tuesday - December 30, 2008

Sida la wada ogyahay Mr. Cabdulaahi Yuusuf dad muraad leh ayaa ka faqay waxaana u soo baxday meel aan laga rabin inusan waqti uga lumin indhahana la sii raaciin, la yaabna ma leh haddi niman la isqabto midkood waqti yarahe la laado ,koleyba waa khasab korneylku inu dibnihiisa ruugayo oo ciil la gocandoono qaladaadkii siyaasadeed u galay awgeed haba uga darnaate marku shabeello la leeyahay mooday wanan u mayracnkaro oo dabadeed aabi ula tageen.

Cidina ma mooga haddaaney dawladda itoobiya ku lammaaneyn Nuur Cade Iyo Aadan Madoobe, libin kama ay heleen Cabdulaahi Yuusuf balse sidi laxam baruur iyo hilib bu u karsan lahaa oo mar kaliya ayuu sidi Aarka u liqilahaa.

Col. Cabdulaahi mudadi afarta sano u kursiga ku fadhiyey wax badan ayaa ka hoos baxay waxuuna u ekaaday ama noqdayba nin aan ku baaluqin siyaasada loobinka oo mashaqo ku noqotay,taasoo madaxda itoobiyaanka ayba u qaateen abeeso ka abaal dhacay iyo qorax banaan oo dabeyshu ku qadeyso, waxaana taas ka garan karta hadalada ka soo yeeray mr. Masfinka itoobiya oo u ku tilmaamay oday asaasaq ah " old age sennility".

Si Buuxda weli looma helin waxa keenay itoobiyaanka iney u jaraan xiriirkii sanooyinkii badnaa ee qaraamiga ay la lahaayeen Col. Cabdulaahi Yuusuf oo ay uga shakiyeen inu yahay nin qorshahooda hagardaamo ku haya,waxaase warku u badanyahay khilaafku inu asal ahaan ka unkamay general Gabre iyo Wasiirka Masfin oo isu bahaystay la dagaalanka Cabdulaahi Yuusuf iyagoo markii dambana ku guuleystay iney fikirkooda ku qanciyaan Raiisal-wasaarahooda Males, dabadeedna ka sii anshaxiyeen Wald Cabdalaha UNka inu wax ka laado Korneylkaas, waxayna ku tilmaameen inusan lahayn murti iyo maratabo iyo muunad midna loogu xisho.

Koleyba waxaa si wada jir ah loo xaqiiqsaday in halka ay gaartay gadoodka oo qiiqa loo huriyey ay salka ku hayso boqolaal doolar oo si fudud jeebka shakhsiyaad itoobiyaanka u maroojiyey.