Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warkii Ugu Dambeeyey Ee Is-Casilaada Madaxweyne Yuusuf

Saturday - December 27, 2008

Baydhabo: Warar lagu kalsoonaankaro oo ay soo xigatay shabakada Galdogob Times ayaa tilmaan ku bixinaya in Madaxweyne Yusuf uu kama dambeys is casili-doono Maalinta Talaadada ee soo socota, iyadoo kulankii la filayay inuu maanta kaga hor dhawaaqo Madaxweynaha is casilaadiisa ay ku baaqatay farsamo xumo la xariirta agaasinka xoghaynta shirgudoonka barlamaanka.

Kulankii shalay Madaxweynaha la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa ah mid ujeedooyin kala duwan ku saabsanaa, kaas oo ahaa in aanu Madaxweyne Yusuf ka laaban doonin mowqifkiisa ku aadan is casilaada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Yusuf maalinta berri qoraal ahaan ku gudbin doono is casilaadiisa, isla markaana talaadada uu hortagi doono Baarlamaanka oo uu ka hor sheegi doono xil ka tagiistiisa.

Isku dayo la doonayo in Madaxweynaha dib u dhigo is casilaadiisa ayaa fashilmay, isagoo la sheegay Madaxweynuhu inu Miinka cuskaday,diideyna inuu ka laabto go'aankiisa is casilaada.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Afhayeenka Baarlamaanka inuu mideeyo Xildhibaanada kala aragtida ku kala maqan oo ay ka soo qaybgalaan khudbadiisa is-casilaada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa dhiniciisa soo jeediyey inu ka noqdo is-casilaadiisa ma daama u yahay Oday loo baahanyahay, warkaaso aan la garaneyn inu yahay kii Maaweliska siyaasada iyo inu daacad ka ahaa, waxuuse Aadan soo jeediyey inu kulanka baarlamaanka ka dhigidoono mid sagootis ah oo maamuus wanaagsan ku dhamaada.