Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al-Shabaab Oo Wacad Ku Maray In Ay Qorta Ka Goyn-Doonaan Sh. Shariif Iyo Ragiisa Isbahaaysiga

Friday - December 26, 2008

Tix-Raac Shabakada Kataaib.net ee Ku Soo Baxda Luqada Carabiga.

Muqdisho- Al-Shabaabka Somalia ayaa wacad ku Maray In ay Qoorta ka Goyn Doonaan Gudoomiyaha Dib-u-xoraynta Dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ka dib Markii ay ku Tilmaameen Mid Ridooobay Sida Ay Sheegeen.
 
Al-Shabaab ayaa Sidaasi ku Sheegay Bayaan dheer oo ku daabacan luuqada Carabta kaasi oo ay Soo raaciyeen Sawiradii ugu Danbeeyay ee uu Sheekh Shariif ku tagay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka muuqato hanjabaado iyaga oo ku xardhay waxa ay u eekeysiiyeen Dhiig Kala Dilaacay,
 
Bayaankooda waxay ay ku sheegeen in Sheekh Shariif Haatan la Soo saftay waxa ay ku Macneeyeen Cadowga Dalka Somalia, Sidaasi daraadeeedna waxa ay Hoosta ka Xariiqeen in ay Qoorta ka Goyn Doonaan Isaga Iyo Saraakiisha Kale ee Isbahaysiga Garabka Jabuuti.