Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Kan Baraarujiyihi Maalinta Jimcaha Dr.Shuceyb Yuusuf Iyo " fadliga Allah" Ku Soo Dhawaada

Thursday - December 25, 2008

Asalamu Aleykum Waraxmatullahi wa barakaatuhu,
 
Alhamdullilah, Wasalatu wa Salaamu Calaa Rasuulillah
 
Fadliga Allah, ee uu ku maneystay adoomadiisa waxa ka mid ah inuu u ballan qaaday hadii ay ku shukriyaan inuu u kordhinayo Nimcadiisa, hadii ay ku kufriyaana in Cadaabtiisa ay xanuun badan tahay oo aad u daran tahay, Allow naga kori inaga iyo waalidkeen iyo eheladeen iyo intii islaamka ku abtirsata Cadaabtaada, Jannadaadana noo ballan qaad, Allow inaga yeel kuwii kuugu mahadceliya Nimcada aad na siisay, Allow inaga yeel kuwii maqla qowlkaaga oo ugu dhaqma sida ugu wanaagsan (Aamiin).
 
Intaa ka dib, sida laga wariyay Suubanaha (SWCW), Allah 100 kii sanaba waxa uu usoo diraa umadiisa islaamka ah Caalim ku xeel dheeraaday aqoonta islaamka oo Diintooda u cusbooneysiiya , maadaama Allah uusan soo direyn Nebi iyo Rasuul ka dambeeya Subane Mohamed (SWCW), kolka ay adoomadiisa ka leexdaan dariiqa toosan ee uu u jideeyay, oo ay u laabtaan Casrigii Jaahiliyada wixii lagu dhaqmi jiray, iyo in la caabudo wax Allah ka dhan ah, ama mowtada ku jira qabuuraha oo laga shafeeco qaato,  sida Awliya Allah ee uu karaameeyay.
 
Sannadku markuu ahaa 1115, bilowgii qarniga 12aad kadib Hijradii Rasuulka Suuban Mohamed Ibn Abdillah (SWCW), Allah waxa uu ka soo shaac baxshay Jasiirada Carabta, Caalim weyn oo ku oogay xujo kuwa dadka baadiyeeya oo Allah ku been abuurta, Sheekhul Islaam, Sheekh Mohamed bin Abdulwahab bin Suleyman bin Cali bin Mohamed bin Ahmed bin Rashid bin Buraid bin Musharah al Najdiyi Tamimi, waxa uu ku dhashay tuulada Ayenah oo ka mid ah Najd, waxa uu ku koray aqal Cilmi badan yaal, aabihii waxa uu ka mid ahaa Culimada wadanka laga yaqaan, waxa uu ka noqday Qaadi ama Garsoore meelo kala duwan ee dalka ka mid ah.
 
Awowgii Sheekh Suleymaan waxa uu ahaa Caalim Jaliil ah oo aqoon iyo Xikmad sare lahaa, Imam cilmiga Fiqiga, waxa uu ahaa muftiga dalka wakhtigiisii, ardo fara badan ayaa gacantiisa ku barbaaray, adeerkii waxa uu ahaa Shekh Ibrahim bin Suleyman, waxa uu ahaa nin caalim ah oo aad loo qadariyo.
 
Sheekh Mohamed bin Abdulwahaab, waxa uu ahaa nin ku koray oo ku hana qaaday bii`adaa Cilmiga uu yaal iyo aqoonta fiqhiga islaamka, oo aan shaki ku jirin aqoontooda, iyo soo tabashada Cilmiga islaamka ee runta ku saleysan.
 
Waxa uu ahaa sheekha, nin caqli badan oo garasho dheer, ku dheereeya xafidaada, Quraanka, waxa uu kor ka xafiday isaga oo aan 10 jirsan, waxa uu ka bartay aabihii cilmiga Fiqiga ee sheekh Ahmed bin Xambal, oo ka mid ah Madhabta Afarta ah ee maanta dadka islaamka ah ee dunida ku nool ay ku dhaqmaan sida Shaficiyada.