Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Safiirka US Ee Nairobi Oo Uga Digay Nuur Cade Iyo SH.Shariif Wax-yeleynta Askarta Reer Puntland

Thursday - December 25, 2008

Nairobi- Mogadisho- Baydhabo : Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Iscasilaada Cabdulaahi Yuusuf oo inta badan lagu xusayo in Cabdulaahiga u sabtida baarlamaanka geyndoono istaqaaladiisa,waxaana warku intaa raacinaa in dibu-dhigiisa ilaa maalinta sabtida ay la xariirto daadgureynta ciidamada u dhashay Puntlaand oo mogdisho ka hawlgala.

Warku waxuu kalo sheegaya in Cabdulaahi u yeeray General Cabdi Qaybdiid, Gacma dheere iyo Maxamed Dheere oo u ka codsaday iney ciidamada firka-naxsan ee reer puntlaand halel ugu soo daadgureeyaan dhinaca baydhabo siiba intaa aan lagu dhawaaqin iscasilaada.

Kooxo mucaarad ku ah Col. Cabdulaahi oo is-casilaadisa u sacabtumaya ayaa iyagana dhinacooda ku tilmaamay in hubkii waaweynaa ee gacanta ku jiray reer puntland ay mar horaba si farsameysan ugu wareejiyeen al-shabaab laakiin lama garankaro sida badeecadaas ay ugu gadmeyso.  

Sida la sheegayo Safiirka Mareykanka Jooga Nairobi ayaa shalay xariir la soo yeeshay Cabdulaahi Yuusuf oo U kaga Codsaday inu iscasilaadiisa illa biisha januari Aakhirkeeda dib u dhigo illa ay dalka soo gaarayaan ciidamo afrikaan oo la sugayo si ayen u dhicin khalkhal nabadgalyo, hasa ahaate Korneylka arinkaas uma cuntamin mana gareysan sheekada noocaas ah walow la carbaabay in safiirka usan ka daalin codsigaas ,waxaa kalo la leeyahay Cabdulaahiga safiirka waxuu ka codsaday in la badbaadiyo askartaas u markiisi horaba kala yimid dhinaca puntlaand taaso safiirka dhiniciisa ka muujiyey tixgalin.