Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Cabdulaahi Yuusuf Waa Tagay- Ee Maxaa Xiga Yaase Badalaya

Wednesday - December 24, 2008

Sida la sheegay Cabdullahi Yusuf wuxuu iscasilayaa todoobaadka,haddaba Cabdullahi waa tegayaa, balse waxaa jirta su,aalo fara badan oo aan weli wax jawaab ah loo haynin,waxaana ka mid ah:-

Yaa bedelaya Cabdullahi Yusuf?

Haddii la raacayo Dastuurka u yaala baarlaamaankaa lagu soo dhisay Nairobi Embagaati,waxaa bedelaya Cabdullahi Yusuf,Sheekh Aadan Madoobe oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana si cad u qeexaya Qodobka 45 ee hoos ku qoran.

QODOBKA 45
BANNAYNTA XAFIISKA MADAXWEYNAHA

1) Haddii xafiska Madaxweynuhu banaanaado sababo la xiriira; iscasilaad, geeri ama xilgudasho la’aan joogto ah darteed, Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa si dhaqsa ah ula wareegaya waajibaadka madaxweynaha, golaha shacabkuna wuxuu ku kulmayaa sodon (30) maalmood gudahood si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.