Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Itoobiya Ma kala Baxeysa Ciidamadeeda Mise Waa

Tuesday - December 23, 2008

Maalmahana waxa ay diblamaasiyiinta Itoobiyaanku ku celcelinayaan in ay ciidamadooda ku cagaagay gudaha Soomaaliya oo markii ay soo galeen ku marmar-siiyoonaayey in ay ku casuuntay dawlada ku meel gaarka ah taas oo laba sano ka dib markii ay fara iyo afkaba ka gubteen ayaa aad waxaa ay ugu celcilinayaan in anay maalin ku darayn ee ay la baxayaan ciidankooda.

 Waa yaabe laba sano ka hor hadday meesha sidan kaga tagayaan maxaa soo eryaayey ma cuqdad iyo Islaam nacayb ayey ka ahayd mise waa la lug gooyey oo waxaanay filayn ayaa meesha ka soo baxay ka dib markii ninkii soo diray Baqdaad dhexdeeda duhur cad lagu kabeeyey.

Waxa inoo muuqdaa sida ay sheegayaan in ay la baxayso ciidankeeda hadana waxaa soo muuqan karta mar dhow in aanay daacad taas ka ahayn oo ay rabaan in loo xaalaaleeyo joogitaankooda maadama ay markii hore ku soo galeen si xaaran ah marka la eego qawaaniinta caalamiga ah, hadana waxa ay doonayaan in ay dhahaan Midowga Afrika ayaa naga codsaday in aan sii joogno ilaa laga soo dhamays-tirayo ciidanka nabad ilaalinta ee (AU)