Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Somaaliland, Puntland Iyo Kurdiga Ciraaq Iyo Dhibaatada Ka Haysata Khayraadkooda Dabiiciga

Monday - December 22, 2008

Kurdistan: Kurdiyiintu waxay deganyihiin deegaamo aad u faro badan oo khayraadku ceegaago waxayna ku baahsanyihiin oo kala xiray xuduudaha wadamada Turkey, Iran ,Irak,iyo Syria waxaana ka dhashay rag mansab taariikheed ku leh islaamka sida Salaaxu diin iyo Abdulqadir Jiilaani. waxaana ugu dhaqaale roon kurdiyiinta Irak.

Hadaba Maamulka Kurdistan waxay go'aansadeen inay gadaan( iibiyaan ) Saliida ka soo burqanta deegamadooda ayna u dhoofiyaan wadankii ay rabaan isla markaana dawlada ciraq dib dambe u xukumayn una xakamaynayn dhamaan wixii khuseeya soo saarka iyo dhoofinta saliida oon ahayn cashuurta .

Laga bilabo bisha janaayo 2009ka Maamulka Kurdistan waxay dhoofin doonaan 100,000 oo foosto( Barmiil) maalintii oo ah saliida cayriin waxayna marin doonaan dhuumaha waxayna sii marin doonaan dhuumaha saliida qaada ee ku dhamaada dekeda Ceyhon wadanka Turkey ,sidaasna waxaa sheegay wasiirka khayraadka iyo saliida cayriin ee kurdistan Wasiir ASHTI HAWRAMI.

Dhibaatada Kurdistan ay kala kulmayso dhoofinta saliida:

Ciraq waa wadanka sadexaad ee kaydka Saliida Aduunka ugu badani ku jirto lehna Beero iyo xoolo nool, waxaana ku nool qawmiyado ku kala duwan Dhaqan,luqado iyo Diin laakiin ka midaysan daryeelka Bulshada, Wakhtigii Sadam Hosein ciraq waxay ahayd wadanka Carbeed ee kaliya ee xukuma Saliidiisa.
hadana gacanta waxaa ku haya Wadamada America iyo Britain oo iyagu laftoodu dhibaato kaga iman doonto khilaafkan soo kordhay ,Kurdistan qaybta Ciraq waa Dawlad ,laakiin caalamku aan aqoonsanayn oo xasiloon.

Hadaba heshiiyada soo saarka saliida iyo suuqgaynta waxaa gacanta ku haya dawlada ciraq sidaaas darteed kurdistan waa inay hesho ogolaansho madax banaan ka hesho dawlada dhexe ee CiRAQ ooy ku dhamaystiraan heshiisyada oo dhan, sidoo kale Dawlada ciraq waxay kala kulmaysaa dhibaatooyin faro badan oo kaga iman doona dhinaca kurdiyiinta mayalka adag waxaana dhici kara isku dhac siyaasadeed, inay u xanibmaan dhuumaha saliidu qulqusho oo wiiqi doona dhaqaalaha iyo ahmiyada reer IRAQ oo dhan iyo danaha reer Galbeedku ka leeyihiin CiRAQ.