Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawladda Itoobiya Oo Todobadyada So Socda Ciidamadeeda Kala Baxeysa Soomaaliya Iyado Ugu Talagashay

Monday - December 22, 2008

Mogadisho- AdisAbaba: War aan ka soo xiganay kooxo isku tiriya iney xiriir toos ah la leeyihiin rag gacan saar la leh dipolomaasiiyiinta reer galbeedka sheeko sokeyana la leh kooxaha ka soo horjeeda Cabdulahaai Yuusuf ayaa daboolka ka qaaday in Cabdulaahi waxyaabaha itoobiyaanka ay kaga caroodeen ay ahayd qabsashada Kisimaayo oo ay cadeen ku heleen inu lug weyn ku lahaa.

Itoobiyaanka oo qorsheystay iney ku duulaan kisimaayo ayey leeyihiin waxaa horstaagay Cabdulaahi Yuusuf oo yiri ma rabo in halkaas dhiig daarood- kablalax ku daato.

Sida warka xanta ah ay ku sheegayeen waxay sheegeen in itoobiyaanka ay dhawr jeer isku dayeen iney gabi ahaantiisaba ka takhalusaan oo u saaran al-shabaab, hasa ahaate rag ayaga mid ah ayaa tusaale ka bixiyey in dilkiisa ay dhaanto iyado siyaasiyan looga takhaluso taaso ahayd heshiiskii kama dambeysta.

kooxahaas saaxiibada la ah reer galbeedka oo la filayo inyba siiyaan wararka lagu jaangoosto siyaasada soomaaliya ayaa xogtooda sireed ay hayaan ku xaqiijinaya in soomaaliya la doonayo in dib loogu celiyo dagaalkii qabyaaladeed oo degmo iyo gobolkasta dhinciisa u goosto, taaso la doonayo in meesha laga saaro kacdoon urur diimeed ee dalka mideynkara.