Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

NGOda Reer Galbeedka Duul Aan Wax ka Galabsan Oo 20 Sano Weli Gawda Ku Haya

Wednesday - December 17, 2008

Shacabka Soomaaliyeed ILa laga Soo bilaabo Lixdamaadkii oo aan qaadanay Xornimada... Reer galbeed anagoo wax ka galabsan ayey nagu hayeen guul-guul iyo gacan togleyn, waxay hadba dhagar iyo dibin noo dhigaan waxay soo gaartay heer 90kii ay ku guuleystaan in tabcadii nalo dhigay aan si fiican ugu dhacno.

Sirdoonka reer galbeedka oo hadba ku soo gabanayey hay'ado samafal ayaa tabo iyo shax shirqool cusub noo dhigayey, dabadeedna ku guuleystay iney shacabkii soomaaliyeed ka wda dhigaan mooryaan maskaxdoodi qabyaalad dagto oo ku noqotay malax jiifta.

Sirdoonka reer galbeedka waxay dalka ka abuureen Mafiya mijin qaada awgeed qof nool baas marinaya iyo burcadyo kala qaybsata Maal dad leeyahay oo bac madow ruux ku dilaya, waxay kalo maal galin ku sameeyeen rag uur-dooxayaal ah oo ay u carbiyeen qabqablayaal siyaasadeed oo ay ugu tala galeen gardareysiga iyo fitnada aan harin.

Gaalo waxay ku tashatay iney miyirka, maskaxda iyo ismaqalka naga madoobeyso oo muradkoodu yahay inaan kala yaacno, mad-habo kala jeedana yeelano si aan mustaqbalka loo heelin ururo yiraahda war aan midoowno oo cadow yaan loo baqan.