Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheeko: Kabihi Ugu Horeeyey Ee Bani'aadam Sameysto ( Kabo Dig Dig)

Friday - December 23, 2016


Waayo-Waayo iyo Zamankii hore, dadku kaba ma qaadan jirin oo waxay ku socon jireen caga-caddaan, taaso keeni jirtay in dadka cagaha ka murxaan oo qodax iyo dhagax ay karbaash ku hayaan .. maalinti dambe Oday ka mida bulshada ayaa saaxiibkiis ku yiri; Saaxiibow dadkii cagaha dhiig baa ka socda waana murxeen, waxayna eersanayaan boqorka iyo golahiisa ee sidee yeelnaa.
Ninkii kale ee su'aashi la weydiiyey ayaa ugu jawaabay oo yiri: arintaan damqashada badan leh aan Boqorka hordhigno si bal xal looga gaaro.

Labbdi Nin ma daama ay ka mid ahaayeen guuurtida golaha boqorka, waxay mafrashkii boqorka ka sheegeen in dadkii caga-cadaan dishay oo cagihi baa qodax iyo dhagax awgeed ay murxeen, ee boqorow dadkii baroorti ka dhamaatay ee arintaan sidee wax looga qaban-kara oo dayacaas looga bixi-kara

Boqorkii isla markiiba kama jawaab celin su'aashi, balse in muddo ah ayuu hagoogna hoos u foorarsaday oo cabaar aamusnaa ayuu yiri waa arin xasaasi ah ee waxaan ku taliyey: waxa yeeshaan xoolo badan oo boqolaal kun ah qala. dabadeedna hargahoodana saamo ka sameeya. Saamahaan isku tola oo dhulka ku gogla si dadka ugu socdaan oo aan qodaxda iyo qorigu u mudin.

Golaha boqorka waayeel ka mid ah ayaa kacay oo yiri: Boqorow, boqolaal kun oo xoola ah ma qali-karno oo caanahood ayaynu u baahanahay. laakiin aynu tiro Awr, Dibi iyo Wanan ah qalno. helib-koodana aan cuno, haragoodana aan saamo ka samayno. Ka dibna saamaha googooyno. Saamahaa la googooyay qof walba lamaan kabo ah ha looga sameeyo.

Taladii waayeelka ayaa boqorkii u bogay, golihina u guuxay. Taladiina waa la qaatay; waana la fuliyay oo waxaa dadkii sameysteen Kabo waqtigaas loogu yeeri jiray Dig Dig oo Sidaasaana ayaa cagaagi looga baxay oo cagihi kabo loogu helay!