Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Taariikhda Aan Barano .. Ninkii Ugu Horeeyey Ee Xerada Daraawiishta Lagu Dilo

Monday - December 5, 2016



Odayaal ka mid ahaa daraawiishti oo warkooda lagu kalsoon yahay waxa laga weriyey in nin dan-ley  ah oo aan magaciisii la helin, wuxuu geela u raaci jiray nin la oran-jirey "Firin Qodax Faahiye" oo hodan maal qabeen ahaa, waxana lagu heshiiyey inuu Gugii la arkaba qaalin geel ah hawl geel raaac u siiyo. Hase ahaatee markuu dhawr Gu' geelii ilaalinaayey ayuu ajuuradi weydiistey. laakin Firin Qodax
wuxuu yiri "Waxba ku siin maayo". Taasna ninkii geeljirka ahaa waa ka xumaaday. Dabadeedna wuxuu goostay mar haddii xaqiisii loo diidey inuu xoolaha Firin Qodax wax ka dhaco. Wuxuuse ka yaabay in
laga daba yimaado oo la dilo ama dadka uu dhex marayo wax-yecllo u geystaan.

Markii dambe ayuu wuxuu sheeko ku maqlay iyadoo la leeyahay wadaadka Darwiishka soo baxay wuxuu jecel yahay fardaha oo ninkii faras u geeya wuxuu ka siistaa toban geela .. Ninkii geela raaci jirey wuxuu goostay inuu faras Firin Qodax leeyahay la baxsado, dabadeedna wadaadkaa u geeyo oo geel ka siisto. Taasina waa u suura gashay, oo habeenkii dambe ayuu Faraskii la tegey.

Ninkii faraska laha Firin Qodox waa raacdo galay oo wuxuu ninkii iyo faraskii ugu tegey xarunti Dariiqada daraawiishta, wuxuu arkay faraskiisii oo fardihii Daraawiishta ku jira, wuxuu yiri: Faraskan anaa layga soo dhacaye ha lay siiyo. Nin- kiina markii eedeyntaas ka jawaab la yiri arrintu siday ahayd ayuu ka warramay. Dabadeedna waxaa Firin Qodax Sayidkii ku yiri:Ninkanu xaq buu kuu sheeganayaaye ka gar bax.

Fariin Qodax oo u jawaabaya Saydka wuxuu yiri: Ninku hadduu wax ii sheeganayo Ferenjiga ha u tago oo hayga dacweeyo, anigase faraskayga ha lay siiyo.

Sayidkii wuxuu yiri: Mar haddaad gar qaybtii muslinka diiddey oo tan gaalka ogoshahay, gaal baad tahay, oo waad xujawdey, sharciguna waa ku dilayaa. Dabadeedna Fariin Qodax waa la diley, wuxuuna ahaa ninki ugu horee- yey ee xaruntii daraawiishta ku dhinta, Garaad Calina wuxuu ahaa ninkii labaad ee asna halkaas lagu diilo