Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sheeko Qosol Badan .. Yaa Dilay Sayid Maxamed Cabdalla Xasan

Tuesday - November 29, 2016



Macalin ka mid ah Macalimiinta dhiga maadada Taariikhda ayaa loo soo badalay Iskuul ay ka buuxaan dhallinyaro , Macalinki ayaa Cashirki koowaad istaajiyay 3 arday ka mid ah Markaasuu weydiiyay "Sheeg yaa dilay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?" Kii koowaad wuxuu dhahay “Macalin Walaahi aniga ma dilin" Kii labaadna wuxuu dhahay "Macalin aniga shalay Iskuulka dhan ma imaan Ardayda xitaa weydii" Kii sadexaad ayaa dhahay "Macalin aniga Ruux bini’aadam ah in aan dilo iska dhaafe Shimbir xitaa ma dili karo" Macalinki ayaa yaabay wuuna aqbali-waayay waxa Meesha ka socdo, Maamulihi iskuulka ayuu u tagay Macalinki wuxuuna u sharaxay waxa Meesha ka dhacay.

Maamulihi ayaa isagoo yaaban intuu soo baxay oo u yimd Ardaydi ayuu markaas Su’aashi weydiiyay isla sidi ayee uga wada Jawaabeen ..  Maamulihi wuxuu ku wareeray waxa Ardayda sheegayaan, dabadeed Maamulihi intuu Macalinka gooni ula soo baxay ayuu yiri "Macalin adiga ma iga hubtaa qofka wax dilay inuu Fasalkaan dhigto mise Fasalada kale kkkkkkkkkk
w/q: Ayuub abdirahman isak