Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Obama: Hadalka Donald Trump Ee Ku Shubashada Doorashada Waa Mid Khatar Ah

Friday - October 21, 2016



Madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay sheegashada Donald Trump ee ah in doorashooyinka Maraykanaka lagu shuban-doono ay tahay mid khatar ah oo dhaawacaysa Diimuqraadiyadda.

Madaxweyne Obama ayaa ku eedeeyay musharraxa Jamhuuriga inuu rabo in laga shakiyo doorasahada oo la aamini waayo nidaamka.

Mr Trump ayaa sheegay inaanu aqbali-doonin natiijada doorashooyinka hadii lagaga adkaado, waxaa uu ka hadlayey doodii ugu danabeeysay ee dhexmartay isaga iyo Hilary Clinton.

Trump ayaa dooda ka dib sheegay inuu aqbali doono natiijada haddii uu isagu ku guuleysto . Waxa uu sheegay in uu maxkamadda tagi doono haddii uu ka shakiyo natiijada doorashada.