Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Codeynti Aqalka Sare Puntland Oo La Soo Gabagabeeyey .. Halkaan Ka Akhriso 11-ka Xubnood

Thursday - October 20, 2016



Garowe- waxaa hadda lasoo gab gabeeyey codaynta xubnaha aqalka sare Puntland uga mid noqonaya dowladda cusub, xubno 25 gaaraya ayuu baarlamaanka Puntland saaka 8:oo aroor-nimo u fariistay sidii loo kala saari lahaa iyagoo laga soo saaray 11 xubnood.

Kursigii ugu dambeeyey ee 11-aad waxaa ku tartamayey Saynab Xaashi Biixi, Shukri Aadan Maxamed, Xaawo Caynab Cabdi, waxaana isagu soo haray Saynab Xaashi Biixi iyo Shukri Aadan Maxamed , waxayna codadka u kala heleen Saynab Xaashi Biixi 24, waxay Shukrin heshay 38 cod.

Markay dhamaatay tirinta codadka baarlamaanka waxaa ku dhawaaqay cida guulaysatay guddiga baarlamaanka oo iyagu sheegay in Shukri Aadan Maxamed ay ku guulaysatay kursiga 11-aad ee aqalka sare Puntland .. tirada xubnaha aqalka sare codka baarlamaanka heshay waxay kala yihiin

1- Cumar Cabdirashiid Cali Shar’make

2-Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud (Farole)

3- Cabdirisaaq Xasan Cismaan (Jurile)

4- Farxaan Cali Xuseen

5-Cabdisalaan Xaaji Maxamuud (Dheere)

6-Hodan Barre Samatar

7-Bootaan Barre Samatar

8-Maxamuud Axmed Maxamuud

9-Mahad Bashiir Shiikh Nuur

10:Siciido Xasan Cismaan

11:-Shukri Aadan Maxamed

Maanta waxaa goob joog ka ahaa doorashada maadaxweyne ku xigeenka Puntland, qaar kamid ah wasiiradda , Guddiga doorashada dadban heer Puntland, Isimada, iyo Haween.

11-kii xubnood ee Puntland umatali lahaa aqalka sare ee dowladda laso dhisayo ayaa sidaas kusoo dhamaaday , waxaana wxii hadda ka dambeeya aqalka sare Puntland u gudbinaysa Guddiga doorashada .