Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dagaal Huriyaashi Al-Shabaab Oo Si Kadis Ah U Soo Jabisay Albaabadi Afgooye Iyo Ciidamada Qaarkood Oo Dhinaca Mogdisho U Rooray

Tuesday - October 18, 2016



Dagaal culus ayaa maanta ka bilowday magaalada Afgooye iyo nawaaxigeeda oo lagu soo waramaya inu ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray fariisimihi ciidamada ay deegaankaas ku lahaayeen, waxaana warku intaa ku daraya in askarihi halkaa ku sugnaa ay ka dhigeen wax dhinta iyo wax carara, iyadoo inti badneyd la sheegay iney soo aadeen dhinaca mogdisho.

Goobjoogayaal madax banaan ayaa sheegaya in magaalada iyo tuulooyinka ku hareersan dhawr saacadood laga maqlayo hugunka hubka culus iyo rasaas qoryha yar yar ka wiifeysa, isla markaasna ay jiraan xarumo ay kooxdan gudaha u galeen, iyagoo ciidamada dawladda ka qabsaday gaadiid dagaal iyo qoryo ay ka carareen, waxaana kooxdaas al-shabaa ujeedkooda loo maleynaya iney arintoodu tahay ku dhufo oo ka carar , balse aysan ahayn iney magaalada si haystaan.