Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Asma Bintu Abu-bakar Haddi Ay Taariikhdu illowdo Mawaaqifteedi Oo idil Lagama Yaabo In La iloobo Caqligi Ay Lahayd .. Dardaarankii Asma Ee Wiilkeeda Cabdullaahi Bin Subeyr

Wednesday - October 19, 2016



ASMAA BINTU ABII-BAKAR, waxay gaartay 100-sanno iyadoo ilig iyo goos midna ka dhicin welina aan caqli doorsoomin, waxayna ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:
 
Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw) dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib.

Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad, waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta.

Ninkeeda isna waa saxaabi
, waxaana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, ilaahna ha ka raalli noqdo.

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ahayd gabadhi u samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada Madiina. waxaana u duceeyey Nabiga cs

Asmaa Bintu Abii-Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn,  sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. jeer maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda ugu hantida badan.

Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, dabadeed markii ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo muhaajir ah,

Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi binu Zubeyr isagoo markaas u anqariyay una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.

Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay.

Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam.

Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu kama suulin inay diyaariyaan ciidan lixaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an.

Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay Kacbada, isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd.

                                 Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:

Ka hor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa – waxay ahayd habar waayeel ah oo weliba indhoole ah wuxuuna ku yiri: Assalaamu caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo.

Waxay ku tiri: Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi oo maxaa saacaddan ku keenay. .. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u imid inaan kula tashado .. Asmaa waxay tiri: waad ila tashanaysaa!! maxaad igala tashanaysaa? Wuxuu yiri: dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj oo xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood .. Ergadii reer Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor u qaadday, waxayna Cabdullaahi ku tiri: Arrintan adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad xaq ku sugan-tahay, aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay.

Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri: Haddaba, waxaan shaki ku jirin inaan dhimanayo maanta. Asmaa waxay tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaaga ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya.

Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka.

Waxaa farax darteed iftiintay wejiga Cabdullaahi, wuxuuna yiri: Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar-daroonin oo daciifin .. ilaah marqaati ayuu ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay caro Alle dartii ah ..  hooyo waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga walbahaarin amarkaagana u dhiib ilaah. Asmaa waxay tiri: waxaan walbahaari lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.

Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena mana uusan ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw).Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa waxay tiri: Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay ..  ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko.

Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi? Wuxuu yiri: waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri: wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo.

Cabdullaahi wuxuu yiri: waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tiri: wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu dilo aynan cawradaada u feedmin.

Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay saraawiishii uu qabay, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: hooyo ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid.

Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh: ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka iyo Madiina isagoo weliba sooman ..ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis iyo hooyadiis. ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli noqdo xukunkaaga, ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan).

Qoraxda maalintaas ma ayan dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.