Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qiso Sugnaatay .. Hadaladi Dhex Maray Nabi Maxamed NNKH Ee Gudbin Jiray Waxyiga Iyo Malaka-mawtkii Ruuxa Ka Qabtay

Friday - October 7, 2016




Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalin-keeda dhiman-doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Rasuulku wuxuu u wacay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii oo salaaddii ayuu ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asxaabtii wuxuuna yiri: Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan idin kaga tagayaa adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro.

Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, illahay ayaa u wax-yooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: booqo xabiibkayga Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin kana soo laabo.

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer Baadiyo ah, wuxuuna yiri: Assalamu calaykum yaa rasuulalaah ma soo galaa? Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.

Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: Ma garanaysaa ninka? Faaduma waxay tiri: Maya, rasuulku wuxuu yiri: waa ninka kala geeya dadka is jecel, qaraabada guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt.

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tiri:  masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa waxyigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kadibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan isla kulmeyno, wuxuu kaloo rasuulku yiri: malakul Mowdow soo gal, wuuna soo galay malakulmowt, wuxuuna yiri. Assalamu calayka yaa rasuullulaah, rasuulkuna wuxuu yiri: wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta? Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi-weydo waan iska noqonayaa! Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan uga soo tagay samada adduunyada, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri: waan ogahay rasuulkii Illaahayow. Rasuulku wuxuu yiri:  iigu bishaare illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama iyo wanaag ah.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: albaabada samada waa la wada furay, malaaigtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay. Rasuulku wuxuu yiri: iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: waxaan kuugu bishaaraynayaa illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan. Rasuulkuna wuxuu yiri: hadda ayuu wanaagsanaaday qalbigaygu, igana baxday murugtii. Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow ii soo dhowow. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.

Rasuulku wuxuu yiri: maxaa darnaan badiyey xaraaradda xanuunka mowdka, wuxuu kaloo yiri: malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegitaanka wajigayga?. Malakul-jibriil wuxuu yiri: illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri:  Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay gacmihiinu.
Rasuulkii illaahay wuxuu geeriyooday maalin isniin ah ee bisha Rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid.
Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii illaahay ..  Rasuulka waxaa dhaqay Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay Suubanaha (NNKH.).