Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

ILaahay Ha U Nuuriyo Qabrigiisa .. Dilkii Amiirka Mu'mininta Ee Cumar Bin Al-Khdaab RC Iyo Dardaarankiisi Khilaafada

Thursday - September 15, 2016



Markii uu ka faaruqay sanadkii 23aad Xajka wuxuu degay Al Abdhax, halkaasoo uu Alle ku baryay, asagoo uga ashkatoonaya in cimrigiisii weynaaday, raciyadiisuna badatay, dhulalkiina uu kusii fogaaday oo meelo badan uu furtay, quwaddiisiina ay daciiftay. Wuxuu markaasi illaahay ka baryay inuu oofsado oo ku manneysto shahaado, kuna oofsado magaalladii Nebiga SCW ee Madiinah. 

Labadaasi arrimood ee ah shahaadada iyo inuu ku dhinto maggaaladi  Rasuulka Alle SCW, illaahay wuu u qadaray, wuuna ka aqbalay addoonkiisii ducadaa, waxaana dilay gaal Majuusi ah oo la oran jiray Abuu Lu'lu'ah Fayruuz bin Rustum Al Majuusi. Kaasoo dilay goor salaad subax ah, asagoo dadka tujinaya oo istaagay mixraabka, subax Arbaco ah dhammaadkii bishii Dil Xajjah, wuxuuna la helay Toorey labo afood leh, oo uu ku dhuftay saddex dhufasho, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku dhuftay lix darbo oo halis ah. Markaas buu Cumar dhacay oo inta gacanta qabtay C/Raxmaan bin Cowf amray inuu dadka salaadda ka bixiya.
Ninkii Majuusiga ahaa wuxuu Tooreydi la sii maray wixii uu arko, wuxuuna sidaa ku dhaawacay 13 ruux, oo lix kamidi ay dhinteen. Dabeetana C/llaahi bin Cowf ayaa  go'iisii ku qabtay. Qaatilkii Marku arkay in la qaban rabo ayuu is dilay, lacnadi dushiisu ha ahaatee.  Markaas baa Cumar gurigiisii loo qaaday. Marna wuu miyir-beelayay, marna wuu soo miyir-sanayay. Markuu soo miyir-saday wuxuu dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay u sheegeen in la tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga. Dabeetana wuxuu dalbaday weysa oo tukaday.  Waqtigaasina wuxuu ahaa ka hor intaanay qorraxdu soo bixin. Dabadeed wuxuu weydiiyey qofka dilay? Waxaa lagu yiri:- Abuu Lu'lu'ah  adeegahii Muqiirah bin Shucbah. Markaasi buu Cumar farxay oo Alle mahadiyey inuu dilkiisa ku sababay qof aanan weligiis Alle u sujuudin.  Misna wuxuu yiri:- illaahay ha dulleeyo'ee waxaanu amarnay wanaag.

Dhaggar qabaha qaatilka wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah. Wuxuuna ahaa farsama yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2 Dirham. Dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin sanca yaqaan ah.
Cumar ma uu ogolaan jirin in magaalladu ay soo gasho cidaanan laga aqoon, sidoo kalena ma ogoleyn in amar la'aan laga baxa magaallada Madiina. Sifada uu ninkani ku soo galay magaalladu waxay ahayd, Muqiirah bin Shucbah baa gobalka warqad uga soo diray Cumar, asagoo ka codsanaya inuu usoo diro nin Majuusi ah oo farsama yaqaan ah, si uu reer Madiina uga caawiya dhanka farsamada gurya dhisidda iwm. Markaas buu Cumar ka yeelay oo ku soo dhaweeyey. Sidaa darteed baa wuxuu markii dambe Cumar amray Muqiirah inuu u kordhiyo intuu horey ugu tala galay mishahar ahaan. 

Intaas dabadeed Markii Cumar  la duray wuxuu dhibsaday inuu khaliif sameeyo, wuxuuna jecleystay inuu khaliif la'aan uga umadda, oo haddii Alle kheyr  waafajiyo uu asaga haleeshiiyo koodii ugu kheyr badan. Saxaabo badan iyo dadkii Muslimiinta ayaa arrintaasi ay u cuntami weyday, waxayna ku taliyeen inuu Cumar sameeyo khaliif asaga bacdigiisa ah. Qaar uu Muqiirah ku jiro ayaa waxay u tilmaameen inuu C/llaahi bin Cumar u dardaarmo khilaafada, balse arrintaasi Cumar aad buu uga xanaaqay, kuna canaantay dadkii fikraddaasi usoo jeediyey.
Runtii C/llaahi wuxuu ahaa nin u qalmay booskaasi, oo taqwa iyo suhdi badan, balse Cumar wuxuu dhibsanayay in arrintu ay dhaxaltooyo u ekaato. Wuxuu markuu ka fursan waayay arrinkan masuliyadda ahi u dardaarmay lix nin oo kamid ah kuwii uu Rasuulka SCW ka geeriyooday asagoo ka raalli ah, kana mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey. Waxayna kala ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Daalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dalxa bin Cubaydillaah Zubayr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas.  Wuxuu ka reebay Saciid bin Zayd oo kamid ahaa 10-kii Jannada loogu bishaareeyey.
Sababtuna waxay ahayd inay qaraabo soke ahaayeen. Wuxuuna Cumar oran jiray:- Arrinkii Muslimiinta halaga weydiiyo reer Khaddaab nin qura (yacni asaga Cumar oo kaliya halaga weydiiyo maalinta Qiyaama). Wuxuu sidoo kale dhibsaday Cumar inuu sameeyo khaliif, siduu u sameeyey Abuu Bakar oo kale. Dadkiina waa ay ku adkeeyeen arrinkaas, markaas buuna amray in lixdaasi nin ay mid iska doortaan.  Wuxuuna ku daray wiilkiisa C/llaahi bin Cumar si uu goob joog ula ahaado marka ay shirayaan oo uu u waaniyo. Wuxuuna amray inuusan C/llaahi arrinka waxba ku lahayn oo aanan la dooran kareyn.  Dhanka kale wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan dhabbada toosan ayuu qaadsiin. Markaas buu wiilkiisa C/llaahi weydiiyey sababta uuna u magacaabeyn Cali.  Wuxuuse markaasi sheegay inuu dhibsanaya in masuuliyadaasi ay sii saarnaato xitaa markuu dhinta ka dib. Misna mar kale wuxuu yiri:- Umaleyn mahayo in dadku ay ku doorsan doonaan Cuthmaan iyo Cali qof kale. Misna asagoo lixdii nin la hadlaya wuxuu amray hadday saddex iyo saddex noqdaan, in la raaco saddexda uu kujiro C/Raxmaan bin Cowf. Sidoo kale wuxuu yiri:- Haddii Sacad la doorto waa haggaag, haddiina la dooran, kiinnii la doorto hala tashado Sacad, waayo ugama aanan casilin magaallada Kuufo khayaano ama inuu kasoo bixi waayey. Dabeeta wuxuu u yeeray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr oo amray inay soo kaxaystaan 50 nin oo markaasi albaabka u fadhiistaan nimanka ahlu shuuraha ahi, oo dadka ka waardiyeeyaan. Wuxuuna amray haddii ay saddex casho gudahooda amiir ku dooran waayaan dhimashada Cumar kadib inuu lixda ninba unuunka u dheereeyo, yacni qoorta jaro. Wuxuu sidoo kale amray haddii amiir la doorto oo mid kale ka daba kaca in qoorta la jaro.

Dabeeta wuxuu Cumar diray wiilkiisii C/llaahi oo uu u diray dhanka Caa'isha si uu uga soo idmo in lagu aaso labadiisii Rafiiq agtooda Rasuulka SCW  iyo Abuu Bakar. Markaas bay Caa'isha ayadoo ooyeysa u ogolaatay (waxay ka murugeysneed dhimashada amiirka Muäminiinta). Waxayna marki hore halkaasi ugu talo gashay in ayada naf ahaanteeda lagu aaso.  Waxayna u sheegtay C/llaahi bin Cumar in amiirka uu ka mudanyahay ayada, oo ay u hibeysay booskeedii. Sidaa darteed buu C/llaahi u laabtay Cumar oo u sheegay. Wuxuu intaasi kadib Cumar amray in markii uu dhinta loo qaado gurigii Caa'isha oo mar kale laweydiiya oo haddii ay u ogolaato markaasi lagu aaso haddii aanay ogolaanna loo qaado qabuuraha Baqiic. Wuxuuna sheegay in laga yaabo inay ka xishootay markii uu weydiistay.

Wuxuu sii amray salaad tujinta muddada ay ahlu shuuraha shirayaan inuu tujiya Suheyb bin Sinaan Al Ruumi. Horraantii bishii Muxarram maalin Axad ah ayaana lagu ag aasay labadiisii rafiiq, goobta gurigii Caa'isha. 

Wiilkiisii Cubeydillaah bin Cumar ayaa wuxuu dilay Hurmuzaan, iyo nin Ruumaan ah oo la oran jiray Jufaynah Al Ruumi iyo gabar uu dhalay Abuu Lu'lu'ah, si uu ugu aaro aabahiis.  Nimankaasina waxaa la sheegaa inay ka dambeyeen dilkii Cumar. Markaas buu Cumar amray in la soo qabta Cubaydillaah oo markii ahlu shuuraha ay amiir iska dhex doortaan uu hadhowta amiirkaasi xukmiyo haddii xukun qisaas ah lagu fulin doona iyo haddii kaleba.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa amiirkii Mu'miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Aamiin Aaamiin Aamiin.