Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xarbigi Qaadka Markii La Is Xaniin Taabtay Uhuuru Sidi Shabeel il Dabaaya Oo U Qirtay Xasan Shiikh In Somaliya Lagu Gardarooday

Friday - September 9, 2016



Mdaxaweynaha dowlada Kenya Uhuru Mwigai Kenyatta ayaa maalmahaanba la rafanaayey sidi wax uga qaban-laaha xaalada xarbiga Qaadka ee ka soo oogmatay joojinta Qaadki la geyn- jiray Somaliya oo todobaakii hore dawlada Somaaliya hakintiisa ku dhawaaqday

Madaxweyne Uhuru ayaa dhawr jeer golihiisa wasiirada kala shiray sida ugu dhawo ee arintaa xal looga gaari-karo, waxaana la sheegay in wasiirada kenya ay intooda badan garrwaaqsadeen faragalinta ay Somaliya ku eedeysay Kenya, sidaa awgeedana taladoodi ay ku soo aruurtay in madaxda somaliya lala xariiro oo kulan doceed kuseya arinkaas shir laga wada yeesho si xal wada jira looga qaato arinkaa xasaasiga ah.

Dhinaca kale Afhayeenka dowlada Kenya ayaa sheegtay in labada madaxweyne ila shalay wada hadal toos ah yeesheen si xal loogu helo mamnuucida jaadka oo saameyn dhaqaale ku yeelatay deegaanka Meru oo ah halka beeraha jaadku ku yaalaan, waxaana warku intaa ku daraya in labada dhinacba dabac muujieen, taaso la saadaalinaayo in dib qaadkii loo furi-doono iyaguna waa keenya ay ku dhawaaqi-doonaan in midnimada somaliya ay Muqadas tahay.

Sido kale Afhayeenku wuxuu dhanka kale xusay in gudoomiyaha Meru calaacalay oo oohin iyo ilmada fara badan buuxisay dhabanadiisa oo naftiisu khatar ku jirto, sidaa darteedna ay dawlada kenya amnigiisa gaara ay sugeyso, laakiin Safiirka somalida ee kenya Jamaal xasan ee laacibka ka ah qadiyaan dhex taal kenya iyo somaliya, ayaa isagoo ka faaloonaya cabsida ku abuurantay Munye awgeed laga soo wariyey inu yiri: Sorry Muunyow adaa booday ciyaarta  .. Batarkii dhabqiyey .. Adaa caashaqa la booday .. Sorry wey ku mala-habowsheen ee Dabir Nafsak.