Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Degaanka Docolo Ooman Ee Bali- Busle Ee Gobolka Mudug Oo Is Ka Horimaad Ka Dhacay

Monday - September 5, 2016



Gaalkacyo - Wararka ka imaanaya deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya iska hor imaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhex maray labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ka dib is rasaaseyn ku dhex martay deegaan magaciisa la yiraahdo Docolo Ooman oo u dhow tuulada Bali-busle.

Iska hor imaadkan ayaa wararku sheegayaan inuu sababay dhimashada illa hada 5 qof oo ah dhinacyada dagaalamay iyo dhaawac tirada intaas ka badan oo aan weli tiradooda la xaqiijin .

Qaar ka mid ah waxgaradka ku nool tuulada Bali-busle ayaa u xaqiijiyey warbaahinta iska hor imaadkan , waxayna sheegeen inuu salka ku hayo Aanooyin iyo Aargoosi labada dhinac ka dhex jiray in muddo ah.
Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayay ku sheegeen dadka la hadlay warbaahinta inay tahay mid wali laga dareemayo kacsanaan iyo xiisad colaadeed .