Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Falkii Doorshaanada Xaar-walwaalada Al-Shabaab Iyo khasaaraha Ka Dhashay Labadi Qarax Oo Ka Dhacay Magalada Gaalkacyo

Sunday - August 21, 2016



Gaalkacayo- Labo qarax oo is xig-xiga kana dhacay magaalada Gaalkacayo ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 10 ruux, halka dad kalana oo iyagana gaaraya tiro 45 qof dhaawacyo gaarsiiyay, dadkaa oo intooda badan ay ku jiraan dad maato ah

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay afafka hore ee xafiiska dawladda hoose, iyadoo qaraxa labaad uu isna daqiiqado kaddib ka dhacay goob suuq-weyn oo lagu ganacsado, qaraxaas oo loo adeegsaday gawaari, waxaa la soo sheegay in mid ka mida kuwa is qarxiyey u ka mid ahaa nin indha shareer dumarka soo qaatay.

Dadka dhimasho iyo dhaawaca leh, waxaa ka mid ah qaar ka mida laamaha ammaanka iyo kuwa shacab ah.

Dhagar-qabayaasha la soo dhalan-doorsiiyey ee Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in ay ka dambeeyaan masuuliyadda weerarkaas aafada ah

Masuullinta maamul goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay weerarkaas hagardaamada ah. oo sheegay iney baarayaan sida wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay.