Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wax Ka Baro Bahalka Ugu Shido Badan Ee Laga Cabsado .. Libaaxa Oo Ah Mid Dagal U Joog Ah

Thursday - August 4, 2016



Libaaxu waa madaxa ugu sareeye ee kaynta ay ku nool-yihiin malaayiinka nooc aadunka iyo ugaaraba iskugu jiraa. Waa bahal aad u shiddo badan aadna looga cabsado, wuxuu arkana kolka uu  gaajaysan yahay ay adagatay inuu bixiyo. Waa bahal marka uu kaa soo hor baxo ee uu ku soo wajahu cabsi rabaani ahi ku qaadayso.

Libaaxa Labka ee yar waxaa la yirahdaa Cagobaruur, libaaxa weyna waxaa la yiraahdaa Aar.  Libaaxu wuxuu ku qaan gaaraa oo shurufka iyo taagta lab-nimo isku arkaa markuu jiro 2 gu' iyo 2 bilood (26 bilood).  Balse waxa uu bilaabaa oo Goosha rimiyaa markuu gaaro 4-5 gu'. Wuxuuna sii dhali-karaa ilaa 16-gu' oo danbe.

Libaxada dhedig ee yar dadka qaarkiis waxay ugu yeeraan Baranbarqo, libaxaada weyna waxaa la yiraahdaa Gool. Gooshu waxay iyana bilawdaa inay uur jiif qaadi qarto oo ay ku qaan-gartaa 2 gu' iyo 9 bilood. Waxay dhasha sii wadi karta illaa 15 gu' oo danbe , basle sanadka 11 gu' markay marayso ayay bilaabaysaa inay dhasha dib u dhgito oo yara kala ha kiso.

Gooshu waxay ka mid tahay xayawaanka mar wax ka badan sanadkii gala xaaladda ah inay la kulmaan Labka (polyoestrus). Xalaadaa ay gooshu u bahan tahay labka waxay ku jirayaa 4 –7 maalmood. Oo aan xiriir ahayn, balse kala fogfog oo sanadkiiba maalmo yar ah celcelis ahaa waxay noqonayaan 55.4 maalmood. Gooshu waxay noolataa illaa 18 sanadood wixii intaa ka danbeeya waxay qarka u saarntahay dhimasho,

In kabadan 100 jeer ayuu maalintii Aarku u tagayaa goosha, isaga oo markiiba saarnaada shaqadana wada 2 sikin.  Deedna waa uu iska ag jiifsadaa iyana way iska dhianac gal-galataa. Deedna cabaar ka dib ayuu haddana ku kiciyaa, kolka uu saaran yahay wuu hiinraagaa waanu gurxamaa, waxaanu iska dhig-dhigaa sidii mid qaniinaaya balse qaniinyo maahee Waa xoodaamin sidaa u taal. Kolka uu ka dayaao waxay iska dhigaysaa gooshu sidii mid dagaalaysa oo aad mood inay leedahay waad dhamaysatee naga deg haddaba. Culimada xayawaanka duurjoogta xooga u taqanaa waxay qaar kood qabaan inuu Aarku 7 daqiiqaba mar u tago intaa ay Gooshu  ku jirto xaaladda ay u  baahantahay labkeeda….

Aarku waxa uu noqonayaa mid aad u caatooba, aadna u gota, isaga oo jiir go’aaya. Waxaana ugu wacan  xilliga ay Gooshu ku jirto oo aad u badan ayna ku soo sheegnay Cel-celis ahaan sanadkii inay tahay 55.4 maalmood iyo galmada faraha badan ee uu maalin walaba samaynaayo. Aarku waxa uu noqonayaa mid dagaal u jooga! Waayo! Waxa uu ka ceshanayaa Aararka kale inay ka qaadaan goosha. Waxaana noqonayaa mid aad u tin yar oo daciifa dagaalka badan iyo hawshaa badan ee uu hayo awgeed.