Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qisadi Abu-Daxdaax Iyo Beertiisi Janada

Saturday - July 23, 2016


Magaca Ilaahay baan ku bilaabaynaa inagoo cuskanayna Magacyadiisa iyo sifooyinkiisa wanaagsan, waxaan kale oon ku sallinaynaa Nabiga ugu danbeeyey Nabiyada waa Nabi Muxamed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Sida uu warinayo Saxaabiga Anas ibnu Maalik, waxa jiray wiil yar oo agoon ahaa kana mid ahaa Ansaartii Magaalada Madiina, wiilkan yar waxa uu lahaa Beer barbarka ku haysa beer kale oo uu lahaa Nin Ansaariya.

Wiilkan waxa uu doonay inuu dhiso gidaar kala xira labada beerood, kolkuu wiilkii dhisay gidaarkii ayaa waxa kasoo hor baxday geed Timir ahaa oo ku yaalay soohdinta u dhaxasa beertiisa iyo beerta Ninka kale ee ansaariga ahaa.  Wiilkii waxa uu u tagay Ninkii beerta lahaa oo ku yiri; Waxaan damcay inaan gidaar dhisto u dhaxeeya labada beerood balse waxa si kadis iiga soo hor baxay geed ku yaala soohdinta beertaada ee ama geedkan ii hibee aan ku darsado beertayda ama aan gooyo ama iga gad aan kaa iibsado? Ninkii wuxuu dhahay: May, kaa iibin maayo, kumana siinayo, geedkana goyn maysid. SubxaanaAllah.

Dabadeed labadii Nin oo is haysta ayaa u yimid Rasuulkii ilaahay markaasuu wiilkii agoonka ahaa  uga waramay arrintii. Nabiguna (N.N.K.H) waxa uu ku yiri ninkii; Geedka sii wiilka, hadaad siisana waxaad leedhay geed Jannada ku yaal. balse Ninkii waa diiday inuu bixiyo geedkii oo ku adkaysta inaan la jarin. Goobtaasna waxa  joogay saxaabo badan oo ay ka midyihiin Abubakar, Cumar iyo AbuDax-daax.

Abu-daxdaax markuu arkay bandhigan wayn ee cidii geedkaa bixisaa Jannada geed Timireed ku yeelanayso ayuu ku dhahay Rasuulkii ilaahay: Rasuulkii ilaahayow hadaan iibsado geedkan oon siiyo wiilkan ma ku yeelanayaa Jannada geed Timireed? Nabiguna waxa uu dhahay; Haa.

Abudaxdaax ilaahay raali haka ahaade wuxuu u yeeray ninkii bakhaylka ahaa kuna dhahay; Hebelow, Ma garanaysaa Beertayda oo leh ceel biyood oo ay ka baxeen 600 oo geed Timireed markaasuu yiri ninkii bakhaylka ahaa; Haa, si fiican baan u garanayaa, markaasuu yiri Abu-daxdaax: Beertayda siday u dhantahay qaado, laakiin wiilkan u hibee geeda soohdintaada ku taal ha dhamaystiro gidaarkiisee.

Ninkii bakhaylka ahaa wuu yaabay kolkaasuu yiri; Markhati ma ka tihiin? Dadkii maqlayey ayaa dhahay; Haa, marag baan ka nahay. Ninkii bakhaylka ahaa intuu eegay wiilkii agoonka ahaa ayuu yiri; Iminkaan kuu hibeeyey geedkii ee dhamaystiro gidaarkaagii.

Abudaxdaax intuu fiiriyey Rasuulkii Eebe ayuu ku dhahay; Ilaahay Rasuulkiisow, iminka saw geed Timireed iima ahaanin Jannada dhexdeeda, waxaanu yiri Nabigu; Fara-badanaa inta geed Timireed waaweyn oo balaaran Abu-daxdaax ugu sugnaatay Jannada. Weedhaas ayuu Nabigu ku celceliyey.

Kadibna waxa uu u tagay haweenaydiisii iyo caruurtiisii oo ku cayaaraysa beertii ay beerayeen mudo sanado badan ah, markaasuu u dhawaaqay xaaskiisii oo dhahay; Umu Dax-daaxeey ka soo bax adiga iyo caruurtuba beerta waan gadaye! Gabadhii way yaabtay oo ku calaacashay; Ma waxaad iibisay beertii aan mudada dheer soo beereynay? Abu-daxdaax waxa uu dhahay; Umu Dax-daaxey beer Jannada ku taal ayaan ku badalanay ee kasoo baxa beertii.

Gabadhii way faraxday oo dhahday; Waad ku guulaysatay iibkaas, wayna kasoo baxeen beertoodii ayagoo u hibeeyey Allah iyo Rasuulkiisa.

Dabcan Abu-daxdaax, xaaskiisii iyo ubadkiisii way kasoo baxeen beertoodii ay ku tabceen mudo aad u dheer, laakiin waxay ku guulaysteen Jannada Rabbi oo ballaceedu la mid yahay Todobada Samooyin iyo todobad dhulba.