Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maanta Bal iLa Qosol

Thursday - July 21, 2016



Waxaa la sheega in beri ay Tuugo ku badatay degaan, dadkii oo khatyaan ka taagan ayaa in badan ku canaantay boliska in ay wax ka qaban-waayeen tuugtaan soo badatay taas oo keentay in madaxdii boliskuna ay aad u canaantaan Askartooda oo fareen in la qabto tuugtaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nin boolis ahi uu ka shakiyey nin si gucle ah u socda ka dib waa uu daba galay. Markii uu in yar daba socday ayuu ninkii booliiska ahaa waxa u ka daba orday ninkii ordaayey rubuc saac kadib ayaanu qabtay. Kadib waxa uu weydiiyey " markii aad i aragtay maxaad u carartay? shaki iguma jiro in aad Tuug ama dambiile kale oo cadaaladda ka baxsanaya tahay"

Ninkii ordaayey ayaa yiri: ilaahay ayaan ka nabad galaya waxa aad sheegeyso, waxa aan ahay nin sharaf leh .. boliskii ayaa yiri: oo hadaa maxaad u baxsaneysey. Ninkii waxaa uu ku jawaabay: Adeer kaama aan baxsaneyn ee takhtarkeyga ayaa igula taliyey in aan maalin kasta ordo rubuc saac. Boliskii ayaa u jawaabay: haddi sida aad sheegeyso ay tahay, markii aad aragtay in aan kugu daba jiro ayaad istaagi-lahayd. Ninkii waxa uu ku jawaabay: waxaa aan ku moodaayey in aad ka mid tahay dadka takhtarka la xariira oo adigana uu ku yiri Orod (carar), markaa dhiiri-galin iyo wehel ayaan kaa sii dhiganaayey "