Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Yacquub Mandela Walks Free .. Maxkamada Oo Garwaaqsatay In Xeer-ilaaliyaha Dawladda U Jilaayey Film Bila Aktor Ah Oo Meel Uu Ka Bilowdo Toona Aan La Aqoon

Thursday - July 14, 2016



Garowe- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa markay garwaaqsatay in xeer ilaaliyaha dawlada U jilaayo filim bilaa aktor ah aan ujeedo ka jeedo lahayn, ayuu Afar bilood oo xabsi la gadan-karo ku xukumay Yacquub Mandeela Two, oo sida ay ku andacoodeen loo haystay hadal uu war-baahinta ka sii daayey,oo uu uga hor yimid isbaddelkii maamulka gobolka Mudug ee Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhawaan sameeyay.

Yacquub Mandella, oo ay maanta ahayd markii Sedexaad ee Maxkamadda la horkeeno ayaa Garsoorka Maxkamaddu waxaa uu ku dhawaaqay in Yacquub lagu helay Kicin dadweyne iyo inuu shacabka gobolka Mudug xasuusiyey Dagaal sanadkii 2011 Gaalkacyo ka dhacay, oo dad badan ku dhinteen, lagu xukumay 4 bilood oo xabsi ah, balse uu iibsan karo ama Racfaan ka qaadan karo.

Garsoorku wuxuu sheegay inay sax tahay in madaxwaynaha Puntland la dhaliili-karo sax iyo khaladba sida uu horay isaguba u sheegay, qodobkaasna uusan aflagaado madaxwayne ahayn.

Isla markiiba Mandell Yacquub Maxamed, ayaa si deg dega xabsiga laga siidaayey, isagana ayaa xaqiijiyey in xuriyadiisi horay loo laalay hadda loo soo celiyey.