Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ha Ka Qadin Laylatul Qadriga Oo Loo Qaybiyey Sadex Qaybood Oo Kala Ah:10- hore, 10-Dhexe, 10-ka Dambe

Friday - July 1, 2016



iLAHAY ayaa mahadle inagu simay inaga oo caafimaad qabna in ay inoo soo gasho bisha barakeesan ee ramadaan .waxa inagu waajiba in aan ka fayideesano bisha barakeeysan ee ramdaan iyada oo ay aad u yartey wakhtigu waayo waxa la tiriyey waa maalmo koban waana wakhti ka qaalisan 11 bilood ee ina soo dhaafay sida oo kale waxa laga yareenayaa danbigii aad soo gashay 11 kii bilood ee ka horeeyey ramdaan hadaba walalkey ga ama walalshey da muslin ka aheey aan ogaano bisha ramdaan oo aan  gudano waajibka Alle ina faray .waxa ay inoo tahay fursad qaali ah oo aan dib inoo soo mari doonin waayo waa wakhti tagay iyo

Maamlo ina dhaafay. Alle toobada ha ina waafajiyo,dhamaanteen iyo inta jecel khayrka. hadaba waxa la sii kala qaybiyey bisha Ramdaan iyada oo loo qaybiyey sadex qaaybod oo kala ah 10-ka hore .10-ka dhexe. 10-ka dambe.

10-ka horeya ee Ramdaan waxa aad ka heleysaa Raxmad iyo neecoow.

10-ka dhexe ee ramdaan waxa aad ka heleysaa dambi-dhaaf .

10-ka dabe ee Ramdaan waxa lagaa xorenyaa naarta iyo waxa kale oo ku jira habeenka laylatul khadriga oo ah habeen qaali ah oo qiimo badan iyada oo uu ilahay inoo sheegay in uu ka khaayir badanyey kun bilood Alle ha inagu simo oo ha inaga yeelo kuwa nasiibka u yeesha habeenka qiimaha badan .

Runtii waa dheertahay doodda ka taagan cayimidda habaynkaas. Ibnu Xajar iyo culumo kalaba waxay soo tiriyeen aqwaal ka badan 45. Qaar waxay dhaheen waa habaynka ugu horreeya Ramadaan; qaar kale habaynka ugu dambeeya; hadalo caan ka ah culumada waxaa ka mid ah inuu yahay 21-ka ama 23-ka ama 27-ka Ramadaan iyo hadalo kale. Waxaa aad la iskugu raacay in 10-ka ama 7-da habeyn ee Bisha ugu dambeeya laga raadsho khaasatan habeynada is-dheer.

Sida sharruuxda iyo hadallada culumada laga fahmayo waxaad mooddaa in Ramadaanka loo qaybiyey seddex tobnaad. Mid hore, mid dhexe iyo kan ugu dambeeya. Waxaa jira xaddiis saxiix ah oo oranaya inuu nabigu (SCW) Leylatul Qadarka ka raadshay 10-ka hore haddana 10-ka dhexe markii dambana uu ka dhigtay 10-ka ugu dambeeya. Waxaad mooddaa in aan  toban tobankaas laga wadin 10 habayn maaddaama ay bishu ku dhammaan karto 29 cisho. Marka hadday culumadu si cad u dhahaan 10-ka ugu dambeeya waxaa laga wadaa, laga bilaabo habaynka 21-naad .23.25.27.29.ilaa dhammaadka bisha iyadoon loo eegayn inay ku dhammaato 29 ama 30 cisho waa wax la fahmi karo.