Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Calaamadaha Qiyaamaha

Saturday - June 25, 2016



Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno wax-qabadkii iyo wanaaggii aynu kaga badbaadi- lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri-doona maalinta Qiyaame.

Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka loo eego waayadii hore , sidaa darteedna ay lama huraan tahay inaynu digtoonaanno si aynu u badbaadno, Cabdullaahi Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yiri: Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka horreeyay waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabaldhaca. Hana u arki inay fog tahay way dhawdahaye ee sii tabaabushayso. sidaa waxaa wariyey Bukhaari

Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay waqtiga ay dhaci doonto, keligii uun baana og cid kaloo ogi ma jirto, Malag dhaw ha ahaado ama Nabi la soo dirayba ha ahaadee. Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu inna ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoo sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya, calaamadahaas oo la soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka ahaadee, kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya , iyo kuwo aan weli la arag oo markay dhici-doonto Qiyaamadu iman doona, waxaanay ahaan doonaan arrimo aanay dadku caadiyan arki jirin.

ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO

 Cabdulaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ( MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?

Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ' Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg'Rasuulka ayaa markaa yiri ' Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah

(1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan (2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda. (3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah. (4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo (5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon-doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida sodada milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraan-timeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.

Salmaan ayaa markaa yiri: waxaasi ma dhici doonaan, Yaa Rasuulu Allah. Rasuulka CSW ayaa yiri: haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey

(6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah. (7) Wasiiraduna waxay noqon-doonaa kuwo caasiyaal ah. (8) Kuwa xilalka loo dhiibana amaanada, waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya. (9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan. (10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki-doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa iney waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la amaani- doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay

(11)Waqtigaas waxaa kale oo jiri-doonaa maamulo ay haween ka taliyaan. (12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo (13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.(14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa (15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)Salmaan ayaa markaa yiri: waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW? Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey' Salmaanow (16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan ragooda (17) Roobka di' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata. (18) Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka isugu dhow uu mid kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.(19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey. (20) Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.Salmaanow (21) Waqtigaasi ragga waxay haeysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale. (22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale. (23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.(24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan. Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda. (26) Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm. (27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan awaxa akel oo ay isticmaali doonaan hragga shabeelka.Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.(30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa, (31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka. (32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin. Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha (34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah. (35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda. Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus. (37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , balse ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.(38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona, oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn. (39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.Salmaanow! (40) Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan. (41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta. (42) Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.(43) Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.(44) Dadk waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik. (45) Ma jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan. Qofka Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa arka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha