Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Seefu-laah Khaalid Ibn Waliid Waa Geesigi Taariikhda Ku Taxay Jabinta Cadawgi Musllimiinta Ee Ruum

Thursday - June 9, 2016



Khaalid Bin Waliid: oo noolaa intii u dhexeysey (592-642), waxa uu ahaa saraakiishi sar sare ee ugu qiimaha badnaa ee adduunka soo mara, waxana uu ahaa dadkii ugu geesisanaa ee weligood soo mara Muslimiinta. Waxa uu hoggaamiyey ciidamada Muslimiinta xilligii uu Noolaa Rasuulku NNKH, iyo xilligii Khulafaa'u Raashidiintii: AbuuBakar Sidiiq iyo Cumar Bin Khaddaab.

Waxaa Nabi Maxamed NNKH Laga wariyey inu Yiri: "Khaalid Bin Walid waa addoonkii Allah oo aad u wanaagsan oo ka mid ah Seefaha Allah, ayaa xooggiisii ooda kaga qaaday kuwo aan Allah rumaysnayn, sidaasna waxaa weriyey Tirmidi iyo Axmad ayna ka weriyeen Abu Hurayrah, kuna sugan Saxiix Al-Jaamic Al-Saqiir No. 6776.

Dagaalkii Mu'ta ayaa waxaa la diley saddex ka mid ah saraakiishii hoggaaminayey Muslimiinta, Markaas ayaa Khaalid (r.c.) waxa uu qabtay hoggaaminta ciidankii dagaalamayey .. Khalid (r.c.) waxa uu wadey dagaalkii xataa iyadoo xaaladu aad u sii xumaaneysey. Waxa uu u dagaalamay si geesinimo dhaaf ah, waxaana jabay sagaal seefood oo uu ku dagaalamayey. Laakiin wuxuu ogaa haddii uu dagaalkaasi sii socdo in la laynaayo dhammaan ciidankiisa, markaas ayuu ciidankii uu watey dib uga saaray goobtii dagaalka. Waxana uu ku celiyey Madiina. Markaas ayaa dadkii waxay ku eedeeyey in uu baqdin darteed uu Khaalid dagaalka uga soo cararay. Laakiin Rasuulku (NNKH) waxa uu dadkii u sheegay in uu Khaalid sidii saxda ahayd sameeyey. Waxana uu Rasuulku (NNKH) yiri: Khaalid iyo ciidankiisu waxa mar kale u dagaalami doonaan magaca Allah (s.w.t). Waxana uu Rasuulku (NNKH) Khaalid bin Waliid (r.c.) siiyey cinwaanka Seeftii Allah (Sayfullah). Waxaana hadalkii Rasuulkii Allah la arkay markii uu Khaalid wacdaraha ka soo hooyey dagaaladii dambe ee uu galay, sida kii Yarmuk.

Dagaalkii Yarmuuk
ee dhex maray Muslimiinta iyo Ruumaankii, waxa uu ka dhacay dalka Suuriya (Syria) markey taariikhdu ahayd August 636, waxana uu dagaalkaasi socdey lix maalmood. Boqorkii Byzantine, oo magaciisa la oran jirey Heraclius, waxa uu isu keenay ciidan isugu jirey Greek, Syrian, Mesopotamian iyo Armenian oo tiradoodu ahayd 200,000. Safka hore ayuu keenay ciidamo uu isugu xirxiray silsilado si aysan uga cararin seefta Muslimiinta. Askarta tiradaas le'eg waxa ay ka hor tegayeen Musliinta oo tiraduudu dhamayd 24,000. Waxaana Guushi Allah siiyey Muslimiinta, waxaana taariikhyanadu sheegaan in goobta Al-Yarmuk oo ah Webi lagu diley 70,000 oo ah ciidankii Giriiga iyo xulufadoodii ee boqor Heraclius, Muslimiintiina halkaas ay ku raacday guushii ugu weyney, guushaas oo sabab u noqotay in Suuriya ay kusoo wareegto gacanta Muslimiinta.

Si dadka loo tuso in guushu ay ka timid xagga Allah (swt) oo keliya, ayaa xilligii Khaliifada Cumar (r.c) waxa uu Khaalid (r.c) u sheegay in uu iska dhiibo hoggaaminta Ciidamidii Muslimiinta ee ku sugnaa Suuriya. Khaalid (r.c) waa aqbalay arrintaas ay go'aansatay Khaliifada, laakiin waxa uu sii wadey in uu dagaalka ku jiro isagoo Askari caadi ah.

Khalid bin Waliid (r.c.) sannadkii 642 ayuu u dhintay xanuun caadi ah. Wixii uu haysteyna oo qalab ahna waxuu uu ku wareejiyey Khaliifadii Cumar (r.c.)
-Waxaan ahay halyey dagaal yahan ah; Waxaan ahay Seeftii Allah, Khaalid Bin Waliid!

Khaalid Bin Waliid rc, ayaa isagoo gogoshi geerida yaala laga hayey:  U sheeg fulaha inaan dagaal lagu dhiman, kol hadaan anba furaash dushi geeridi kula kulmayo