Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qiso Qireysa In Dunida Ay Tahay Mid Yaab Badan Xaaladeeduna Is Daba Taallo

Thursday - May 26, 2016



Sanadkii 1981 ayaa wiil yar oo qoys sabool ah ka soo jeeda oo u dhashay dalka Taiwan ka xaday farmashi daawo si uu hooyadi oo xanuusaneysa ugu geeyo markii uu lacag uu ugu iibiyo waayay.

Sanadkii 1981 ayaa wiil yar oo qoys sabool ah ka soo jeeda oo u dhashay dalka Taiwan ka xaday farmashi daawo si uu hooyadi oo xanuusaneysa ugu geeyo markii uu lacag uu ugu iibiyo waayay.

Nasiib daro ninkii farmasiga lahaa ayaa ogaaday oo suuqa dhexdiisa ku qabtay dadkiina ku dhex fadeexadeyey, laakiin nin suuqa badeecooyinka ku iibiya oo u dhawaa goobta ilaaqdu ka socotay, ayaa wiilka ka bixiyey lacgti daawada markii u ogaaday xaalkiisa. wiilkii sidaasi ayuu maalintaasi ku qaatay daawadi.

Laakiin 30 sano kadib ayaa ninkii ganacsadha suuqa ka ahaa ee wiika lacagta kka bixiyey la keenay takhtarka isagoo aad u xanuunsan, wax lacg ahna aan haysan.
Kharashkii daawooyinka oo dhan iyo daryeelkiisiba kalaba waxaa bixiyey takhtarkii daaweynaayey waayo wuxuu ahaa wiilkii 30 sano ka hor u ka bixiyey dawadii hooyadi uu u geynaayey.

Sidaasi ayey arimaha aduunyadu isugu noqnoqdaan mar kastana isku day inaad sameyso samafal iyo wanaag, dadkuna aanad dhibin.