Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxweyne Obama Oo 6-Dollar Kaga Casheeyey Hotel Yar Oo Ku Yaal Caasimada Vietnam

Thursday - May 26, 2016



Sida wakaalada wararka Maraykanka ee (AP), ku warantay, Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo dalka Vietnam ku tagay booqasho sadex maalmood ah, ayaa intii uu ku sugnaa, gaar ahaan habeenkii ugu danbeeyay socdaalkiisa ee 23, May 2016-ka ka casheeyay Hotel yar oo ku yaal bartamaha caasimadda Vietnam ee Hanoi.

Sida wakaalada wararka Maraykanka ee (AP), ku warantay, Madaxweyne Obama ayaa casho iyo quraarad sharaab ah ku casheeyay, ka dibna lagu soo dalacay lix dollar oo biil ah, waxaana ka bixiyay, dabaakha cuntada telefishanka CNN ka sii daaya barnaamijka Parts Unknown oo lagu magacaabo, Anthonyo Bourdain, oo ay ka wada casheeyeen hotelkaas.