Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Koox Si Hoos-Hoosa Wax Ka Unkameysa Oo Hargeysa Ka Wada Guubaabo Jihaad Iyo Gaalo Naceyb

Tuesday - May 24, 2016



Xigasho Foore News-Koox wadaado ah oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan-yihiin ayaa habeenadii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo caasimada hargeysa ah ku qaybinaayey warqado, kuwaasi oo qofkii dhallinyara ah ee ay arkaan u dhibaaya nuqulo waraaqo ah oo ka kooban sagaal bog

Xigasho Foore- Koox wadaado ah oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan-yihiin ayaa habeenadii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo caasimada hargeysa ah ku qaybinaayey warqado, kuwaasi oo qofkii dhallinyara ah ee ay arkaan u dhibaaya nuqulo waraaqo ah oo ka kooban sagaal bog oo ku qoran af-somali iyado oo nuxurka warqadaasi ay xambaarsanayeen fariimo si weyn looga soo shaqeeyey oo la xariira naceybka gaalada iyo ka fogaanshaha nidaamka is maamul ee dimuqaraadiyada, jecleysiinta dhalinyarada jihaadka, ka fogaanshaha mabda' goni isu taaga ee somaliland iyo midnimada ay leedahay in Gaalada la naco, laga fogaado lagulana dagaalamo meel kasta iyo goor kasta.

Nuqolka ka mida qaraalkaasi oo la akhriyey waxaa la yiri, waxaa ku duugan fariimo ku qoran luqada somaaliga oo guubaabo ah oo isugu jira Axaadiis, Aayado quraan iyo gabayo ay tiriyeen abwaano somali oo lagu caayo gaalada iyo kuwa la shaqeeya .. sida la xusay oo u qoran qaab soo jiidasho leh oo ay ka muuqato in ay diyaariyeen Rag ku xeel dheer jecleysiinta dhallinyarada dhinacyada Jihaadka

Dhinaca kale isla waraaqo kuwa oo kale ah ayaa la xaqiijiyey in habeenadi ugu dambeeyey si aan qarsoodi ahayn loogu qaybinaayey xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimada Hargeysa iyada oo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee wraqadaasi laga laha walina aanay ka hadal laamaha amaanka hargeysa.