Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qiso Gaaban Oo Ku Saabsan Nin Miskiin Ah Iyo Taajirkii Dabaqa Sarnaa Wixii Kala Qabsaday

Monday - May 23, 2016



Maalin maalamaha ka mida Miskiin baa waxuu marayey dabaq aad u dheer hostiisa kadibna Nin saaran fooqa sare ee dabaqa ayuu ka codsaday inuu u soo dego sidi isago war muhim ah u haya. markii u soo dhaadhacay ee uu u yimid ayuu ku yiri "waxaan kugu yeeray, waxaan ahay miskiin, waxaan ka codsanaya inaad sadaqad i siiso"
Ninkii aad ayuu uga carooday, mase muujin, balse wuxuu ku yiri:Isug. Markuu fooqiisi koray ee u gaaray dabaqi sare ayuu halkaa kala hadlay oo ku yiri: Allaha ha ina siiyo ee iska Tag.
Miiskiinkii oo yaaban ayaa ku yiri" Oo maxaad iigu sheegi-weyday markii aanad korin dabaqa? markaasi ayuu isaguna ugu jawaabay oo adigu maxaad wax ii weydiisan-weyday anigo fooqa kor saaran.

Sidaas ayey dadka qaarkood markiiba u aargutaan iyagoon kuwa gefka ku sameeyey aanay dareemayn waxa keenay jawaabtooda