Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xasan Sheekh Oo Dalbaday Muddo Kordhis Iyo Beesha Caalamka Oo Tiri Waxa Qorta Ku Suran Ma Tihid Ee Warkaaga Kula Dhac Badweynta

Tuesday - May 17, 2016



Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu warqad dalab ah u gudbiyey  xoghayn baratakol ka soo horeeya guddiga UN-ka beri imaamn-doona oo xaqiiqo raadis ah oo Mogdisho ku sugan gaar ahaan saldhiga Xalane ee ku yaal Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in warqadaasi uu Xassan Sheekh ku dalbanaayay in raali looga noqdo in waqkhi lix bilood dheeraad ah uu ku darsato dowladiisa si waqti loogu helo diyaarinta arimaha la xariira soo xulista xildhibaanada, waxaase la sheegay in codsigaas diidmo ka hortimi oo dabadeed isagina ka carooday, walow warar aan si fiican loo xaqiijin ay meelaha tibaaxayaan in hadal dambe la isugu soo noqonaayo oo ay dhici-karto in sdex bilooda loo ogolaado oo hawsha ku soo afjaro ila bisha desembar. taaso dadka siyaasada indha indheya ay leeyihiin ma dhaceyso

Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa waqti sii horeysay wareysi uu bixinaayay ku sheegay in Xukuumadu ay u baahnaankarto wakhti dheeri ah, isaga oo ku celcelshay in wakhtiga ay hadda heystaan uusan ku filneyn.