Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 19 May 2024

Cilmi Baaris .. Faaiidooyinka Raga Ku Qabaan Xaaska Xanaaqa Badan

Tuesday - May 7, 2024




Xaaska xanafta leh waxay ninka ku caawisaa inuu miisaankiisa iyo jalaqsanaantiisa ilaashado, waayo waxa ay ku dhibtaa raashinka, sidaa awgeed waxa uu waqtigiisa ugu badan ku qaataa sidii qof sooman oo kale!.

Xaaska dhibka badan waxay ninkeeda ku caawisaa inuu kor u qaado xiriirka qaraabada, oo isagoo iyada ka cararayo ayuu aadaa mar walba guriga hooyadiis, ee hadii uu farxad ka heli lahaa guriga, waxay taas ugu sabab noqan laheyd inu waalidka iska ilaawol.

Xaaska xanaaqa badan waxay ka dhigtaa xiriirka aad la leedahay maamulahaaga shaqada mid aad u wanaagsan, sababtoo ah naceyb-kaaga guriga ayaa u sabab noqonaya inaad shaqada mar walba xadir ku ahaatid, taasoo ah dabeecadda kaliya ee keeni karta taas!

Xaaska dhibka badan waxay kaa caawinaysaa inaad hoos u dhigo indhahaaga, sababtoo ah waxay kaa dhigaysaa qof naca dumarka oo dhan adiga oo niyadda gashanaya Naag masiibadeed tan lee hakugu ekaato. (Mu'minka laba jeer lagama qaniino hal god)!.

Haweenayda dhibka badan waxay carabkaaga ka dhigtaa mid ilaahey mar walba xusa, waayo waxaad had walba ku jireysaa " Inaa Lilaahi Wa Inaa ILeyhi Raajicuun

Sheekaba sheekey keentaaye, Waxa kale oo la sheegay in Laba saxiibo ah oo muddo kala maqnaa ay kulmeen muddo kadib, mid ka mid ayaa waydiiyay kii kale: xaaskaagu ma tahay nooca jahawareerka badan? Waxa uu ku yiri: Oo Ma nooc kalaa jira?!.