Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Shanta Dumar Ee Ugu Qiimaha Sareya Islaamka

Sunday - Feb 25, 2024




1- Khadija Bintu Khuweylad: Waxay Ahayd Xaaskii Koowaad Ee Uu Guursaday Nabi Maxumad NNKH. Waa Qofkii Ugu Horreeyay Ee Rumeeyay Nabigeenna Marka Uu Waxyiga Ku soo Dagay Wayna Garab Istaagtay Intii Ay Noolayd.

2- Caaisha Binti Abii Bakar: Caaisha Waxay Ahayd Xaaskii Nabiga Iyo Gabadhii Saaxibigii Weynaa Ee Abu Bakar Sidiiq. Waxaana Lagu Tilmaamaa Mid Kamid Ah Dadkii Ugu Aqoonta Badnaa Saaxabadii Nabiga.

3- Maryama Bintu Cimraan: Waa Hooyadii Nabi Ciise CS Waana Mid Ka Mid Ah Haweenka Ugu Cibaadada Badnaa Islaamka. Suurtad Dhan Ayaa Loogu Magac Daray Waana Suuratul Maryam.

4- Aasiya: Waa Xaaskii Fircoon Oo Ahaa Ninkii Ilaahnimada Sheegtay. Waxay Ka Tagtay Qasrigii Iyo Hantidii Fircoon Si Ay Alle Weyne U Caabudo. Alle Ayayna Weydiisatay Inuu Guri Janada Uga Dhiso. Alle Weyne Ayaana Guri Uga Dhisay Meel Ku Dhaw Carshigiisa.

5- Faaduma Bintu Muxamad SCW: Waa Gabadhii Nabi Maxumad NNKH. Waxaa Dhashay Khadiija Bintu Khuweylad. Waxaa Guursaday Cali Bin Abii Daalib Oo Kamid Ah 4-Ta Khulafa’u Raashidiin