Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Guusha Ninki Gooba Waa Ka Gun-gaara ..Guusha M/weyne Xasan Waa Guul Cajaaiba .. Aduunyada Galabta Maxa Kufri Ooyaya ..Turkiga Oo Soo Gurtay Hubka Difaaca Bada Somaliya .. Abiy Oo iilka Si Wacan Ugu...

Wednesday - Feb 21, 2024




Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in baddeena uu difaacayo Turkiga, taasi oo ka dhigan in ammaanka baddeena lagu wareejiyay Turkiga, oo leh awood ciidan xoogga .. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in heshiiska difaaca ee Turkiga uu soconayo illaa 10 sano, mudadaasna ay barbar soconeyso dhismaha ciidanka badda Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale oo isla socda waaye heshiiska uu maanta baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay waakas, waa xeyndaab heshiis oo waxaa kasii ratibmi doona heshiisyo badan.”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan jirin dal ka mudan Turkiga oo Soomaaliya la difaaci lahaa baddeeda, isagoo meesha ka saaray in ay duulaan ku yihiin dal kale, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Wuxuuna aakhirkiisa dhalaa oo toban sano ka bacdi na gaarsiina in aan yeelano ciidan bad oo biyaheenna difaaci kara in aan yeelano, inta ka horeysana ay walaalaheen nala difaacan badda oo waxyaabaha sharci darrada ah inay nagala ilaaliyaan waaye.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in uu rajeynayo in xukuumadda Abiy Axmed ay ka laaban doonto heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland ugu saxiixday qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.

“Maanta waxaa dagaal kale u galeyna in baddeena ka xoreyno kuwa argagixisada ah, ama sharci darrada ah ee ku xad-gudbaya kuwa Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah oo aan ku gudaneyno masuuliyadda caalamiga ah ee na saaran.”