Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xudunti Dalkey-gaay Xarunti Dad-keygaay Xamarey Ma Nabadbaa .. Maamulka Somaliland Ayaa Dilka Marxuum Dahable Ku Eedeysay Dawlada Somaliya

Monday - Feb 19, 2024



Hargeysa- Maamullka Somaliland ayaa dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Hawada ee Sooomaaliya ku eedaysay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dilka ay uga shakisanyihiin Hay’adda NISA iyo Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xataa ay usoo hanjabaan shaqaalaha ka hawlgala hay’adda Duulimaadyada Somaliland.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay baaritaan dhab ah ku samayso kiiska Dahable, isaga oo sheegay in aanay Somaliland ka hordhacayn baaritaanka Booliiska Soomaaliya uu wado.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu Alle qoray in Dahable uu dhinto, isla markaana kaana waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in anay siyaasadayn dilkiisa, isla markaana maydkiisa ay Hargaysa usoo dirto.

Waxaanu yiri.”W axaanu doonaynaa in anay arrintaasi xanaf siyaasiya yeelan, Somaliland iyo Soomaaliya isku dal ayay ahaan-jireen, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa maanta Xamar jooga, qaar badan oo Soomaaliya ah ayaa maanta dagan Somaliland”

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay 6 qof usoo xireen dilka Dahable, isla markaana ay wadaan baaris.