Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Musharax Jibriil Ibrahim Oo haysta aftida beeshiisa Oo Noqday Mawt Albaabka U Taagan Madaxweyne Xasan Shiikh

Thursday - April 28, 2016



Musharax aad loo yaqaan oo mug weyn ku leh xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay isku jufo yihiin Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo shaac baxaya iyadoo halis weyn ay dareemeen kooxda tageeerta Madaxweynaha ee Damjadiid.

Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah madaxda Hay’adda CRD (Center for Research and Dialogue) oo mattaan la ah Hay’adda Mareykanka ee WSP (War-torn Societies Project International ), isla markaana mashaariic kala duwan ka fuliyay dalka Soomaaliya, kuna lug lahaa dhismaha maamulada dalka iyo xalinta khilaafaadka Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay inuu u sharxan yahay jagada madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2016.

Mudane Jabril oo ay hore u soo wada shaqeeyeen Xasan Sheekh, isla markaana saaxiibo dhow la ah Mareykanka iyo Beesha caalamka ayaa la sheegay in musharaxnimadiisa ay naxdin weyn ku noqotay Xasan Sheekh oo doonaya inuu mar kale xilka ku soo noqdo 2016.
Xasan Sheekh Maxamed iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale isku jufo ah, taasoo sii kala qeybinaysa awoodii Beesha, waxaana la sheegay in kooxda taageersan Xasan Sheekh ay dadaal ugu jiraan inay cadaadis saaraan Jabriil si uusan isu sharxin doorashada soo socota.

Doorashada madaxtinimo ee 2016 ayaa u muuqata inay noqon doonto mid si culus loogu loolamo oo ka xoog badan kuwii hore marka la eego liiska musharixiinta iyo qaabka doorashada oo laba aqal Baarlamaan noqonaya, balse la arki doonee sida ay ku dhamaato.