Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ishaarooyinka Lagu Garto Dhiig Furanka Maskaxda

Wednesday - April 20, 2016


Riyaad (Geeska)- Dr. Haani Khaalid Caqaad oo ku xeeldheer culuunta caafimaadka maskaxda iyo neerfayaasha ayaa soo bandhigay talooyin uu sheegay in ay ishaaro u noqon karaa in uu dhiig maskaxda ku furan yahay, oo uu qofku khatar u yahay faalig, laakiin haddii markaas tallaabo la qaado laga badbaadin karo xaaladdaas dilaaga ah.

Calaamadahan oo Dr. Hani sheegay mar uu dhowaan marti ku ahaa barnaamijka caafimaadka ee talefishanka MBC ayaa uu Geeska Afrika oo u rogay afsoomaali qaybtoodii labaad uguna dambaysay u soo bandhigayaa akhristayaashiisa:

4. Kabuubyo: Haddii qofku uu dareemo kabuubyo ka qabanaysa qayb ka mid ah jidhka, sida gacan, lug wejiga qayb ama jidhka oo dhan, iwm. Laakiin waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in kabuubyadu ay sidoo kale ku timaaddo sababo kale oo aan ahayn horudhaca Faaligga, sida cillad dhinaca neerfayaasha ah, qalad dhinaca qaab fadhiga qofka ah iwm.

5. Aragtida: In qofku uu si ku soo booddo ah isugu arko in aanu waxba arkayn, ama in caad uu si dhaqso ah indhaha ama midkooda uga fuulo, ama awoodda araggiisa oo si kedis ah mar keliya hoos ugu dhacday, midkood ama labada indhood ba.

6. Liqidda cuntada: Haddii uu qofku isku arko in liqitaanka cuntadu uu ku adag yahay, waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujin kara in uu dhiig ku furan yahay maskaxda, waxase ay dhakhaatiirta ku xeeldheer xaaladahani sheegaan in calaamaddani ay ka mid tahay xaaladaha ugu yar ee dadka lagu arko, oo inta badan aanay dhicin.

Haddaba haddii qofku uu isku arko mid ka mid ah xaaladaha aynu qormadan ku soo taxnay ama dhowr is raacsan waxaa waajib ku ah in uu sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidho dhoolliga, ama ruux dhakhtarta degdeg u geeyo.

Xeel-dheerayaasha baaritaannada caafimaad ku sameeyey arrintani waxa ay sheegayaan in sida ugu fiicani ay tahay in qofka calaamadahan isku arkaa uu saacad keliya gudaheed ku gaaro cisbitaal takhasus ku ah dhiig-furanka maskaxda iyo Faaligga. Waayo in waqtiga ugu dhaqsaha badan la gaaro dhakhtarka, sida ugu dhaqsaha badanna dhakhtarku uga hawlgalo wax u qabashada qofkan ayaa muhiim u ah bukaanka iyo waxtarka dawada la siinayo. Dhammaad