Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Rabiyow Dadkii Iyo Duunyadi Wey il Daranyihiin. Daayinow Ducadyadaan Roob-doon Adaan Kaa Dalbaneynaa Roob Dagalka Maasheeya Oo Dadku Mulacleeyo

Tuesday - April 19, 2016



Abaarta ka jirta guud ahaan Puntland ayaa mareysa heer aad u xun, Waxaana marba marka ka dambeysa kor u si kacaya baahida Biyaha iyo Cuno ee ay qabaan qooysaska miyiga ay sida gaarka ah u saameysay.

Abaarta daba dheeraatay ayaa galaafatay noloshi dadyooga iyo duunyo badanba, waxaana duunyada inta nool ay ku jiraan xaalad halis ah oo qooysaski deganaa dhulka miyiga ah ayaa qaarkood ay ku soo hayaameen dhulkii miyiga ah oo soo gaaray magaalooyinka, halka kuwa kalana ay u guureen dhul ay is leeyihiin waa ka wanaagsan-yihiin dhulka ay hore u daganaayeen.

Dhinaca kale dadyooga bulshada degaanka Galdogob iyo nawaaxigeeda oo iyagana si gaara u saameysay kuleylkii abaarta ayaa bilaabay kulamo iyo shirar gar gaara oo looga hadlaayo xaalda oogan iyo sidi loogu gurman lahaa, isla markaana taladu noqotay in lagu dhaqaaqo duco Roob-doon oo alle looga dalbanaayo Roobab dagalka Maasheeya .. waxaana la is faray in ehelada iyo walaalaha qurbaha ee meelkasta ka jooga dacalada caalamka ay xaalada abaarta talaabo talaabo ula socdaan si waqtiga ku haboon aan gurmadka looga gaabin., balse laabta loo garaaco

-Daayimow Danyarti dam tiri .. Duunyadi idlaatay oo Shimbirihi Ma Duulaan
-Roob doonay Eebow Dadkii Wey il-Daranyihiin .. Dambi dhaafna waan Ka Rabnaa Dabacsanaantaada
-Ducadayadaan Roob-doon Adaan Ka Dalbeynaa ..  Roob Dagalka maasheya oo Dadku Mulucleeyo
-Midaan Danab Wax Laaya lahayn . . Dooxyaha iyo togaga nala boodin
-Duufaan wax Qaadiyo mid aan wadan dabeeylo xoog leh .. Mid Aan Duunyada Naga marin dhulka doog soo Bixiya .    
-Adigaan Rabiyow Ku Digrinaa oo Dantayada Garanaaya .. Risiqa Samada yaal Dunida Nooleyse